Wararka Soomaalida
Soomaaliya iyo Qatar oo heshiis cusub kala saxiixday
Wafdi ka socda Dalka Qadar,gaar ahaan Shirkadda Macdanta iyo Batroolka dalkaas oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta heshiis Cusub oo Isfahan ah la saxiixday Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah wafdiga ayaa si […]
Wafdi ka socda Dalka Qadar,gaar ahaan Shirkadda Macdanta iyo Batroolka dalkaas oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta heshiis Cusub oo Isfahan ah la saxiixday Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah wafdiga ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka heshiiska la saxiixay.
Wasiirka wasaaradda Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Mas’uuliyiinta Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo iyo arrimo kale.
Dhinaca kale Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga dalka Qatar ayaa sidoo kale maanta waxa ay is afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.
Ku simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Mas,uuliyiinta Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.
Ku simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.