Wararka Soomaalida
Suuqa bakaaraha oo markale uu ka kacay dab khasaaro gaystay
Suuqa Bakaaraha ayaa caawa waxaa markale dab xoogan uu ka kacay qeybta Bacadlaha oo dodobaadyo ka hor sidaan oo kale dab uu,uga kacay. 4-dukaan ayaa ku gubatay oo gabi ahaanba basbeeshay waxaana lagu iibinaayey dhar waxaana markii dambe lagu guulaystay in la demiyo dabkaas inta aaney khasaaro kale gaysan. Waxaa goobta uu dabka kakacay Saxaafadda […]
Suuqa Bakaaraha ayaa caawa waxaa markale dab xoogan uu ka kacay qeybta Bacadlaha oo dodobaadyo ka hor sidaan oo kale dab uu,uga kacay.
4-dukaan ayaa ku gubatay oo gabi ahaanba basbeeshay waxaana lagu iibinaayey dhar waxaana markii dambe lagu guulaystay in la demiyo dabkaas inta aaney khasaaro kale gaysan.
Waxaa goobta uu dabka kakacay Saxaafadda kulahadlay Gudoomiyaha ku xigeenka Suuqlayda Aadan sheekh Cali Fiidow iyo Agaasimaha waxda gurmadka deg-dega ee gobolka Banaadir Cabdiqani Maxamed Axmed.
Mas,uuliyiintan ayaa sheegay in lagu guulastay deminta dabkan waxayna sheegeen in mararbadan uu dab ka kaco Suuqa Bakaaraha ay sabab uyihiin Ganacsatada waxayna ku sababeeyeen in Mas,uuliyad daro weyn ka jirto dhanka Korontada iyo Maqaayidaha oo aaney xil gaar ah iska saarin deminta Korontada iyo sidoo kale maqaayidlayda.