Wararka Soomaalida
Suuqa Degmada Afgooye oo dab ka kacay
Wararka nagasoo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in caawa abaaro 10:45 daqiiqo ee habeenimo dab xoogleh uu ka kacay Suuqa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose. Wararka aan ka helayno Degmadaas ayaa sheegaya in Dabkan ka kacay Suuqaas uu ka bilowday Dukaan ku yaalla bartamaha Suuqa ka dibna hu ku faafay […]
Wararka nagasoo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in caawa abaaro 10:45 daqiiqo ee habeenimo dab xoogleh uu ka kacay Suuqa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.
Wararka aan ka helayno Degmadaas ayaa sheegaya in Dabkan ka kacay Suuqaas uu ka bilowday Dukaan ku yaalla bartamaha Suuqa ka dibna hu ku faafay xarumaha Ganacsi ee ku yaallay hareeraha Dukaankaas iyadoo dabkaas wuxuu ahaa iyo waxa sababay in Suuqaas uu gubo midna ilaa iyo hadda aaney faafaahin dheeri ah laga bixinin.
Waxaa markii dambe Suuqa iskuugu soo baxay shacabka degan Degmada Afgooye waxaana dadaal ugaleen sidii ay udeminlahaayeen dadaal dheer dabadeed shacabkii ayaa ku guulaystay in ay demiyaan dabkaas caawa fiidkii hore qabsaday Suuqa Afgooye.
Ka hor inta aaney shacabka ku guulaysanin deminta dabkaas ayaa waxaa dabka uu soo baabi,iyey xarumo Ganacsi oo Suuqaas ku yaalla.