Wararka Soomaalida
Taariikhda Abwaan Sangub iyo faafaahin ku saabsan geeradiisa(Akhriso)
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday Alle ha unaxariistee Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn xagga Fanka Soomaaliyeed. Abwaanka ayaa naloo sheegay in dhowaan asaga iyo mid ka mid ah xaasaskiisa waliba Minyarada ama Bahyarada Sucuudiga u aadeen Cimrada […]
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday Alle ha unaxariistee Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Sangub) oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn xagga Fanka Soomaaliyeed.
Abwaanka ayaa naloo sheegay in dhowaan asaga iyo mid ka mid ah xaasaskiisa waliba Minyarada ama Bahyarada Sucuudiga u aadeen Cimrada ka dibna halkaas ku xanuunsaday.
Xanuunka Abwaanka ayaa eheladiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ka xanuunsaday Lug ka dibna dhaqaatiirta Sucudiga ay u sheegeen in hadda Qaliin lagu samayn karin.
Marxuumka ayaa qabay Xanuunka Macaanka iyadoo dhaqaatiirta Sucudiga ay u sheegeen in Sokortiisa aad ukacsan tahay sidaas wageed hadda lagu deg degi karin Qaliin intaas ka dib waxaa loo soo qaaday Magaalada Addis Ababa iyadoo halkaas Qaliin loogu sameeyay.
Qaliinkii Lugta loogu sameeyay ayaa waxaa la sheegayaa inuu sababsaday geerida Abwaan Sangub inkastoo qadarta Alle marwaliba lama dhaafaan ay tahay.
Marxuum Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa waxaa uu ku dhashay Miiga Degmada Dhagaxbuur ee Ismaamulka Soomaalida itoobiya sanadka markuu ahaa 1944-tii sida ay xuseen dadka sida weyn uyaqaana taariikhda Abwaanka.
Maxamuud Cabdulaahi Ciise ayaa ku barbaaray dhulkaas ee Soomaali Galbeed iyadoo halkaas uu ku bartay xifdinta Qur,aanka Kariimka,hibada Faneed ayaa waxaa la sheegay inuu ka bilaabay deegaanada Soomaalida itoobiya yaraantiisii iyadoo uu ku soo caanbaxay Ciyaarta dhaantada.
Abwaab Sangub ayaa markii uu soo hana qaaday waxaa uu yimid Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyi iyadoo Radio Hargaysa uu ku galay Imtixaan dhanka Gabayada iyo fanka ah sanadkii 1961-dii.
Isla sanadkaas ayaa waxaa uu ku guulaystay tartankii Gabayada waxaana loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho 1961-dii haddana markale waxaa Radio Muqdisho looga qaaday Imtixaan kale oo fanka ku saabsan iyadoo uu ku soo baxay mar labaad Imtixaankii.
Marxuumka ayaa waxaa la xusay inuu noqday Abwaan haldoor ah oo soo baxay markii dambe wuxuu gudagalay samaynta Riwaayadaha Wadaniga ah iyo kuwa jacelka.
Abwaan Sangub Hibada Abwaanimada ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhaxlay Aabihiis iyo Abitigiis oo labadaba ahaa Gabyaa caan ka ahaa dhilka Soomaali Galbeed iyo deegaanada Soomaalida ay degto.
Sanadkii 1964 ayaa waxaa uu ku biiray Ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ilaa burburkiina ka mid ahaa sidoo kale ka mid ahaa bahda fanka Soomaaliyeed rabi ha,unaxariisto Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.