Somali News

Taariikhda Eng. Bana Ali oo ku geeriyooday London (UK) oo kooban

Published

on

Allaha u naxariisto ee Eng. Bana Abdalla Ali ayaa caawa ku geeriyooday magaaladda London ee dalka UK.

Marxuumka ayaa muddadii uu noolaa waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda koleyga, isaga oo mar soo noqday Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda koleyga, haatanna waxaa uu ahaa wakiilka xiriirka Caalamiga ah ee xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo guddoomiyaha guddiga suuqgeynta Zone ka 5 aad ee Fiba Afrika.

Sidoo kalena waxaa uu maamule iyo farsamoyaqaan sare ka ahaa oo uu ka shaqeyn jiray Transport of London, tareenada ka shaqeeya magaaladda London.

Eng. Bana ayaa ahaa aqoon yahan k qalinjabiyay 1997 Jaamacada Middlesex UK oo uu Degree-ga Bachelor-ka uu ku qaatay Engineer ahaan. Wuxuu sidoo kale oo uu wax ka bartay Kulliyada Hackney technical college. Wuxuu waxbarashadda dugsiga sarre ku dhameeyay Iskuulka Macalin Jaamac.

Marxuumka ayaa lahaa xaas iyo qoys. Eng. Bana ayaa Allaha u naxariisto ee ahaa shaqsi ay bulshaddu jeceshahay qof yar iyo qof weynba. Eng. Bana ayaa ku dhashay, kuna barbaaray magaaladda Muqdisho ee gobolka Banaadir, Soomaaliya.

Waxaan Allaha awooda badan Eebe uga baryaynaa in marxuumka jannadii fardawsa Eebe ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna iyo dhammaanteenaba samir iyo iimaan naga wada siiyo. (Aamiin Aamiin Aamiin)

Sawirka: Wiilwaal Raadraac

Trending

Exit mobile version