Wararka Soomaalida

Taliska booliska Gobolka Banaadir oo isku shandhayn lagu sameeyay

Published

on

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo loo yaqaano Taliye Xijaar ayaa caawa isku shandhayn ku sameeyay Taliyaasha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir iyadoo Taliyaal uu ka qaaday xilalkii ay hayeen ciidanka Booliska ka dibna umagacaabay xilal kale oo cusub halka kuwa xilalkaas laga qaaday boosaskoodii loo magacaabay Taliyaal kale oo isla booliska dhaxdooda ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Taliyaasha uu isku bedelay waxay kala yihiin.

1-Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeynley waxaa loo magacaabay Yaasiin Nuur Kheyre Ganey

2-Taliyaha qaybta Booliska waliyow Cadde waxaa loo magacaabay G/lle Mahad Cabdixakiin Cumar (Mahad Korow)

3-La-taliyaha sare ee Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa Taliyaha Saldhigga waliyow Cadde

4-Taliyaha Birmadka ciidanka Booliska ayaa waxaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa Taliyaha Saldhig Galbeed.

5-Taliyaha Daraawiishta Booliiska ayaa isna laga dhigay Gaashaanle Sare Cabdulaahi Mire Siyaad

6-Taliyaha qaybta Galbeed ee Booliska ayaa loo Magacaabay Maxamuud Xuseen.

7-Taliyaha laanta socotada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Trending

Exit mobile version