Wararka Soomaalida

Taliska booliska oo sharaxay sharci lagu soo kordhiyay C I D

Published

on

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa muddo dhowr maalmood ka dib faafaahin ka bixoyay hakadkii shaqo ee dhowaan lagu sameeyay xarunta dambibaarista ee C I D ee magaalada Muqdiaho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in dib uhabayn balaaran lagu sameeyay xarunta C I D sidoo kale lagu soo kordhiyay shuruudo ka duwan kuwii hore kana adag.

Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay dhowrkii maalmood ee xaruntan ku jirtay hakinta howlaha shaqo in lagu soo kordhiyay shuruudo cusub waxaana ka mid ah.

1-dadka doonaya xarunta C I D inta loo wado shaqadooda in loo sameeyay xarun ay ku sugaan inta shaqada loo hayo.

2-in shaqsiga markii lagu soo sameeyo baaritaanka ka dib la siinayo gaar cadayn u ah in qofkaas uu soo maray baaritaanka.

3-shaqsi walba oo ka mid ah bulshada doonaysa warqada dambi la,aanta ee laga qaato xarunta CID uu marayo Su,aal waydiin ka kooban shaqadiisa,wuxuu soo maray,in wax wada shaqayn ah dhaxmartay asaga iyo Kooxaha Al shabaab iyo Daacish iyo arimo kale.

4-in horay ugalay dambi nooc kasta oo uu ahaadaba kana galay dalka iyo dadka intaba.

5-shaqsiga intaas ku guulaysta in si hufan oo nadiif ah loogu shaqaynayo.

6-bulshada loo adeego in jawaabahooda ay ku heli doonaan shan maalood gudahood laga bilaabo maalintii shaqada loo qabtay.

7-in dadweynaha inta shaqada loo hayo ay usameeyeen xarun ay ku dukudan lehna Musqulo ka kooban Rag iyo Dumar.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaa halkan idinla wadaagaynaa qaabka cusub ee loo maraayo helista warqada dembi la’aanta ee C I D, shuruudaha lagaa rabo qof walba iyo waqtiga adeega la bixinaayo Dadweynaha sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay dhowraan habraaca shaqada iyo waqtiga taasoo inoo saamaxeeyso in si wanaagsan idinku adeegno. Mahadsanadiin”ayay ku soo xirtay qormadeeda Sakiye Xuseen Axmed.

Qodobadan 7-ah ee lagu soo kordhiyay C I D 6 ka mid ah ayaa waxay yihiin kuwo cusub iyadoo horay ulahayn xarunta meel ugaar ah dadweynaha oo ay ku nastaan iyo musqulaha dadweynaha ugaarka ah sidoo kale goobta cibaadada iyo qodobadan kale ee cusub.

Trending

Exit mobile version