Wararka Soomaalida

Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ka dibmarkii Gaari waxyaabaha qarax lagu soo raray uu damcay inuu xoog kumaro bar Ciidamada amaanka horay uxireen oo ku taala agagaarka Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan. Qaraxaas ayaa saamayn balaaran ku reebay dhismiyaasha dadka […]

Published

on

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ka dibmarkii Gaari waxyaabaha qarax lagu soo raray uu damcay inuu xoog kumaro bar Ciidamada amaanka horay uxireen oo ku taala agagaarka Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan.

Qaraxaas ayaa saamayn balaaran ku reebay dhismiyaasha dadka shacabka ah degan yihiin ee ku yaala meesha gaarigaas uu ku qaraxay waxaana inta uusan qarxin ka hor shacabkii deganaa xaafadaas ka saaray Ciidanka amaan ka dibna waxaa qaraxay gaarigii qaraxa siday.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Gaarigaas ay ka hortageen Ciidamada amaanka ka dibna iyagoo og xogtaas shacabka ka saaray xaafada qaraxa uu ka dhacay wax dhimasho ah ama dhaawac ah uusan ka soo gaarin shacabka kaliya wadihii gaariga uu ku dhintay.

Sidoo kale Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Gaarigan Al shabaab doonayeen inay ku haligaan shacabka Soomaaliyeed balse Ciidamada ay fashiliyeen.

Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ayaa sheegtay in Isgoyska Seybiyaano Ciidamada amniga ay ku dileen labo ka mid ah Al shabaab ka dib markii isku dayeen inay ka soo gudbaan bar koontarool oo Ciidamada ku baaraan Gaadiidka ka dib qaraxii ka dhacay agagaarka Isgoyska Digfeer.

“Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka,waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxa,Dhanka kale waxay Ciidamada amniga ay dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan,waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa shacabka xogta nala wadaagay anagoo awal digniin ka bixinay gaariga qarxay”ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version