Wararka Soomaalida

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qaraxyadii Muqdisho

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay qoraal ay ugu hadlaysay Qaraxyadii labada ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka ay ku guulaysteen inay qabtaan wadihii Gaarigii ku qaraxay Agagaarka KM4 dhinaca wadada aada Garoonka Diyaaradaha ee […]

Published

on

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay qoraal ay ugu hadlaysay Qaraxyadii labada ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka ay ku guulaysteen inay qabtaan wadihii Gaarigii ku qaraxay Agagaarka KM4 dhinaca wadada aada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa markii hore ka shakiyay gaarigii labaad ee ku qaraxay barta koontarool ee garoonka Aadan Cadde laga ilaaliyo ee KM4 waxaana Ciidamada ay ka dejiyeen wadihii gaarigaas oo noociisa ahaa Toyota NOAH ka dibna waxaa bartaas ku qaraxay gaarigi waraxa siday sida ay sheegtay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas labaad cidna ku dhimanin qofna ku dhaawacmin.

Dhinaca kale Sakiye Xuseen Axmed ayaa sheegtay qaraxa koobaad ee ka dhacay siyidka in wixii ku saabsan ee khasaaro ah soo gudbin doonaan haddana macluumaadkiisa baaris ay ku hayaan.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas.
Qaraxa kale oo ka dhacay agagaarka Sayidka maclumaadkiisa daqiiqado ka dib ayaan idinla wadaagi doonaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version