Wararka Soomaalida
Taliska Shabeelada hoose oo ku goodiyey in Al shabaab weerar ku yihiin
Taliyaha guutada Ciidanka Danab ee Gobolka shabeelada hoose Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa waxaa uu ku goodiyey in deegaanada shabeelada hoose ee Al shabaab maamulaan ay duulaan ku yihiin maalmaha nagu soo aadan ka dib diyaar garow iyo dhoolatus maanta ay ku sameeyeen deegaanada Sabiid Caanoole,Cumar Beere iyo Beledul amiin. Deegaanadaas ayaa Ciidamadan waxay horaatii bishii […]
Taliyaha guutada Ciidanka Danab ee Gobolka shabeelada hoose Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa waxaa uu ku goodiyey in deegaanada shabeelada hoose ee Al shabaab maamulaan ay duulaan ku yihiin maalmaha nagu soo aadan ka dib diyaar garow iyo dhoolatus maanta ay ku sameeyeen deegaanada Sabiid Caanoole,Cumar Beere iyo Beledul amiin.
Deegaanadaas ayaa Ciidamadan waxay horaatii bishii April kala wareegeen Al shabaab ka dib dagaal xoogleh oo ka dhacay deegaanada Sabiid iyo Cumar Beere.
Taliyaha guutada Danab ee ka howl gasha shabeelada hoose ayaa sheegay in Degmooyinka Janaale,Mubaarak iyo Buula mareer sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarayaan kooxda Al shabaab inta lagu jiro bisha Soon gudaheeda.
Degmooyinka Gobolka shabeelada hoose inta ugu badan ayaa waxaa maamula Al shabaab markii laga reebo Magaala madaxda Gobolka shabeelada hoose Marka,Baraaw,Afgooye iyo Wanlaweyne.
Inta kale ayaa waxay yihiin deegaano yaryar ah oo dhawaan Ciidamada ay ka saareen Al shabaab sida Beledul Amiin,Sabiid caanoole iyo Cumar Beere.
Dhinaca kale guud ahaan Gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa ka curtay Roobka Gu’ga iyadoo dhulka shabeelada hoose uu yahay dhiiqo iyo Dhoobay oo hadda kale Gawaarida aaney hawaysan karin xili Roobaadka.