Wararka Soomaalida
Taliye ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo

Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dhicna Puntland Col Xaashi Aadan Cilmi ayaa caawa dablay hubaysan waxay ku dileen Magalada Gaalkacayo ee Gobalka Mudug sida wararku ay sheegayaan.
Dilka Taliyaha ayaa yimid kagadaal markii uu ka soo baxay Masjid Salaada cishaha uu ku soo dukaday kabdibna dablayda ay ku hor dishay Masaajidkii Salaada uu ku soo dukaday.
Col.Xaashi Aadan Cilmi dablayda dishay ayaa wararku waxay sheegayaan inay ka koobnaayeen afar dhalinyaro ku hubaysnaa Bastoolado ka dibna ka baxsaday goobta Taliyaha ay ku dileen sida dadka deegaanka Warbaahinta ay u sheegeen.

Allaha uraxmadee Koronel Xaashi Aadan Cilmi ayaa waxaa la sheegay in ilaaladiisa caawa ay ka maqnaayeen sidaasna dablayda ku dishay.
Dilka Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Puntland qaybta Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu noqonayaa Taliyihii 8-aad oo sidaan oo kale loo dilo tan iyo intii la aas aas aasay Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland.