Wararka Soomaalida
Taliye Ciidan oo soo gaaray Muqdisho
Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Taliyaha hay’adda sirdoonka dalka Angola Jannaraal Jose Luis Caetano iyo wafdi uu horkacayo iyagoo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho kulana la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.
Jannaraal Jose Luis Caetano ayaa la kulmay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugida Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyagoo ka wada hadlay dhowr arimood kuna saabsan arimaha sirdoonka iyo iskaashiga xagga sirdoonka labada hay’adood Angola iyo Soomaaliya.
Labada Taliye ayaa ka wada hadlay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradda hay’adda NISA ay u leedahay la dagaalanka argagaxisada sida lagu baahiyay warbaahinta dowlada Soomaaliya.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta intii wafdigan ku sugnaayeen Xamar iyadoo la xiray wadooyinka qaar waxaana dad badan is waydiinayeen wafdiga ku soo wajahan dalka ee jidadka loo xiray waxa uu yahay.
Dalka Angola ayaa wuxuu yahay wadan ku yaala galbeedka Afrika oo ka mid ah dalalka qaniga ah ee Saliida dalka dibadiisa u dhoofiya sidoo kale waxaa dalkaas laga helaa dheymanka wax xiriir toos ah lama lahan dalka Soomaaliya dhinac walba siyaasadda Ganacsiga iyo amniga toona.