Wararka Soomaalida

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka XDS qeybta 60-aad

Published

on

Ka dib warqad magacaabis ah oo maanta ka soo baxday Taliyaha Taliska guud ee Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Axmed (Dirir) ayaa waxaa isku shaandhayn uu ku sameeyay Saraakiisha hogaanada Ciidanka Guutadan Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya.

Hogaanka Ciidanka dhulka Guutada 7-aad qeybtiisa 60-naad ayaa waxaa loo magacabaayay G/le dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo ah Sarkaal dhalinyaro ah ka dib markii laga soo bedelay qeyb kale oo isla Ciidankan hogaankiisa ka mid ah.

Waxaa kaloo warqadan ku xusan ilaa seddax Sarkaal oo iyana qeebaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Dhulka ah oo la,isku bedelay waxaana ka mid ah Taliyaha Guutada 1-aad qeybta 12 April Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka G/le sare Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaano (Xasan Jaamici)

Trending

Exit mobile version