Wararka Soomaalida

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo xog cusub bixiyay

Published

on

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Jannaraal Cabdalla Cabdalla ayaa markale bixiyay xog ku aadan in hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhaxjiraan xubno sarsare oo Al shabaab ah halisna ku ah qaranimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Jannaraal Cabdalla Cabdalla oo dalka dibadiisa ku nool ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku faafaahiyay in shaqaalaha dowladda ee ka howlgala xafiisyada hay’adaha dowladda ku soo biireen koox qorsoon oo Al shabaab u adeega haddii aan la iska qabanin abuuraya halis amni iyo mid nafeedba.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan gudiga difaaca amniga ee golaha baarlamanka ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan arimahan ka soo cusboonaaday hay’adaha dowladda dhaxdooda haddii kale iga xataa saamayn amni ku yeelanayso arintan.

“Waxaa jira Xogo laga dhex helayo cadowga taasoo sheegaysa in maalmihii lasoo dhaafay loo gacan galiyay Al shabaab magacyada iyo tilmaamo shaqaalaha dowladda arintaas oo cadowga Gacanweyn siinaysa waa in BF soo faragaliyaan Khatartaas hadiiba weli wax ka joogaan gudiyadii amniga iyo difaaca ee Barlamaanka waa badbaado qaran”ayuu yiri Jannaraal Cabdalla Cabdalla taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA.

Jannaraal Cabdalla Cabdalla ayaa intabadan xogaha ku soo dhaco waxaa uu ku soo gudbiyaa barta Facebook iyo Twitter-ka uu ku leeyahay maadaama ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii darajo ka xayuubin lagu sameeyay sanadkii hore xili islawaqtigaas xilkiina laga qaaday.

Trending

Exit mobile version