Wararka Soomaalida
Taliye lagu weeraray Gaalkaco oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa Magaaladaas xaafad ka mid ah lagu weeraray Taliyihii hore ee Ciidamadii isku dhafka ahaa markii Gaalkacyo dhibaatada ka taagneed mas,uulka loogu dhigay inuu xaliyo dhibaatadii taagneed Col.Khaliif Nuur Shiil. Col.Khaliif Nuur Shiil Taliyihii hore ee Ciidamadii isku dhafka ahaa oo ka soo […]
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa Magaaladaas xaafad ka mid ah lagu weeraray Taliyihii hore ee Ciidamadii isku dhafka ahaa markii Gaalkacyo dhibaatada ka taagneed mas,uulka loogu dhigay inuu xaliyo dhibaatadii taagneed Col.Khaliif Nuur Shiil.
Col.Khaliif Nuur Shiil Taliyihii hore ee Ciidamadii isku dhafka ahaa oo ka soo baxay Masaajid ku yaala xaafad ka mid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay weerareen labo dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolado ka dibna Col khaliif Nuur Shiil xabadihii lagu weeraray ay kaga dheceen qeebaha sare ee jirkiisa.
Dhaawaca soo gaaray mas,uulkaas hore ayaa la sheegayaa inuu culus yahay loona qaaday xarun Caafimaad oo Gaalkacyo ku taala halkaas oo hadda xaaladiisa lagu dabiibayo sida wararka qaar ay sheegayaan.
Warkale ayaa sheegaya in Col khaliif Nuur Shiil ugeeriyooday dhaawicii ka soo gaaray dablaydii weerarka ku qaaday ka dib dhaawaca soo gaaray oo ahaa mid cuslaa isbitaalkii la dhigayna uu ku geeriyooday sida wararka qaar ee aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ay sheegayaan.
Dabladii dishay Col khaliif Nuur Shiil ayaa lagu soo waramayaa inay baxsadeen ka hor inta aaney goobta soo gaarin Ciidamada amaanka ee Magaalada Gaalkacyo.
ilaa hadda lama yaqaano cida ay yihiin dablaydan hubaysan ee dishay mas,uulkaas hore Col Khaliif nuur shiil ee ka sol baxay Masaajidka xili uu soo dukaday salaada Taraawiixda.
Col Khaliif nuur shiil ayaa waxaa siweyn loogu xasuustaa xasiloonidii uu ku soo dabaalay Magaalada Gaalkacyo ka dib markii Taliye looga dhigay Ciidamo ka kala socday Maamulada Puntland iyo Galmudug xili Magaaladaas ay ku dagaalamayeen Ciidamadii kala taabacsanaa Puntland iyo Galmudug xiligii Cabdikariin Guuleed iyo Cabdiwali Gaas.