Wararka Soomaalida

Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen oo Xil sare loo magacaabay

Published

on

Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen xiligii talada ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hayay Cabdi Maxamuud Cumar Col.Caysane Sheekh Maxamed ayaa maanta waxaa loo magacaabay jago sare ka dib warqad ka soo baxday Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar)

Col.Caysane Sheekh Maxamed oo ahaa Taliyihii Xabsiga Jeel Ogaadeen ayaa hadda waxaa loo magacaabay Taliyaha Dugsiga tababarka Garab Case ee ismaamulka Soomaali State.

Mudadii uu madaxda ka ahaa xabsiga Jeel Ogaadeen Col.Caysane Sheekh Maxamed xiligii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in maxaabiis badan loo geystay tacaddiyo ay ka mid ahaayeen jirdil joogto ah iyo dil intuba sida lagu eedaynjiray Taliye Caysane.

Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen Caysane Sheekh Maxamed oo ka jawaabayay eedaymahaasi ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay sidoo kale wuxuu sheegay in asaga naf ahaantiisa utagay hay’adaha eedaymahaasi usoo jeediyay ka dibna usheegay in wax dacadiyo ah uusan gaysan.

Col.Caysane ayaa sheegay in xiligii uu madaxda ka ahaa xabsiga uu aad ugu ololeyn jiray sidii wax looga qaban lahaa nolosha maxaabiista.

Waxaa uu intaas ku daray inuu aad ugu dedaalay sidii wax looga qaban lahaa noloshada daryeel xumada ee ay ku sugnaayeen maxaabiista waxaa kaloo uu xusay in dhibaatada xabsiga ka jirtay uu ku wargeliyay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya laanteeda Jigjiga oo uu uga waramay dhibaatadii ka taagneyd halkaasi.

Magacaabistan Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeen Caysane Sheekh Maxamed ayaa waxay noqonaysaa shaqsigii ugu horeeyay ee maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar madaxda uu ka ahaa xil loo magacaabo tan iyo isbedelkii maamulkaas lagu sameeyay iyadoo hadda muddo sanad iyo dheeraad ah xabsi ku jiro Madaxweynihii hore ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Trending

Exit mobile version