Wararka Soomaalida
Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Wardhiigley oo la dilay
Waxaa galabta Koox ku hubaysan Bastoolado ay dileen Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ka dib markii gaari uu saarnaa ay ku horgooyeen dablayda dishay Taliyaha. Allaha unaxariistee Taliyaha Saldhiga Wardhiigley ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Macalin Daahir Xuseen Afrax wuxuu dilkiisa uu dhacay xili uu usocday Jaamacad uu wax ka baranayay oo […]
Waxaa galabta Koox ku hubaysan Bastoolado ay dileen Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ka dib markii gaari uu saarnaa ay ku horgooyeen dablayda dishay Taliyaha.
Allaha unaxariistee Taliyaha Saldhiga Wardhiigley ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Macalin Daahir Xuseen Afrax wuxuu dilkiisa uu dhacay xili uu usocday Jaamacad uu wax ka baranayay oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Warar uu helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Marxuum Taliye Macalin Daahir Xuseen Afrax lagu dilay goob aan ka fogayn Xarunta Saldhiga Booliska Degmada Wardhiigley ee uu Taliyaha ka ahaa Macalin Daahir Xuseen Afrax wax yar ka dib markii Gaariga uu saarnaa ka dhaqaaqay Saldhiga kuna socday Jaamacadda uu wax ka baranayay.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Macalin Daahir Xuseen Afrax la soconin wax Ciidan ah maadaama uu u socday Xarun wax barasho waxaana uu kiraystay Tax intabadan Muqdisho laga isticmaalo oo loo yaqaano Dhoweeye sida lagu Buufiyey Gawaaridaas ama ay ku qoran yihiin waxaana gaariga Darawal ka ahaa nin horay uga mid ahaa Booliska Soomaaliya balse iskiiga tagay Shaqada Ciidan.
Macalin Daahir Xuseen Afrax iyo Darawalkiiba waxaa wadadilay Koox dhalinyaro ah oo Bastooladay ah ka dibna ka baxasaday goobtii ay wax ku dileen.