Wararka Soomaalida
Talyaaniga oo go,aan ka gaaray safarka Muhaajiriinta
Dowladda Talyaaniga ayaa war ka soo saartay qulqulka Muhaajiriinta ugu imaanaysa dhinaca dalka Libya ee ka soo gudbaya badda u dhaxaysa labada wadan ee Mediterranean iyadoo dhibaato weyn ay sheegtay dowladda Talyaaniga inay kala kulmaan Muhaajiriinta ka soo jeeda wadamo kala duwan ee Africa. Wasiirka arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Salvini oo la hadlay Saxaafadda ka […]
Dowladda Talyaaniga ayaa war ka soo saartay qulqulka Muhaajiriinta ugu imaanaysa dhinaca dalka Libya ee ka soo gudbaya badda u dhaxaysa labada wadan ee Mediterranean iyadoo dhibaato weyn ay sheegtay dowladda Talyaaniga inay kala kulmaan Muhaajiriinta ka soo jeeda wadamo kala duwan ee Africa.
Wasiirka arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Salvini oo la hadlay Saxaafadda ka howlgasha gasha dalkiisa ayaa sheegay in la mamnuucay safarka Muhaajiriinta ee soo gelaya Talyaaniga iyagoo ka soo gudbaya badda Mediterranean islamarkaana ka imaanaya dalka Libya.
Matteo Salvini Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga ayaa intaas raaciyey hadalkiisa in la xiray marinka Mediterranean Ciidamada Badda ee Talyaanigana ay amar uqabaan in dib ay uceliyaan maraakiibta sida Muhaajiriin nooc kastaba ha ka koobnaadaane ayna dib ugu celiyaan meeshii ay ka yimaadeen.
Ciidamada Badda ee Talyaaniga ayuu sheegay Salvini in ay udhamaystiran yihiin qalabkooda sida Maraakiibta iyo hubka si ay u,ilaaliyaan xeebaha Talyaaniga si cidna ugu soo talaabin.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in si rasmi ah ugu dhaqmayaan sharcigii ay horay usoo saareen Midowga Yurub ee ahaa in lamamnuuco safarka Muhaajiriinta ee ka soo gudbay marinka Mediterranean.
Waxaa kaloo uu ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini in arrintan ay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha gudaha ee Libya meel fiicana ay wax iskula meel dhigeen.
Matteo Salvini ayaa ugu dambayntii sheegay iyagoo ka hor tagaya kooxihii dhibaatada ka gaystay dalka Libya si aaney usoo gelin dalkooda in arrintan xataa ay qayb ka tahay.
Marinka Mediterranean ayaa waxaa Sanad walba ka gudba muhaajiriin ubadan African Soomaaliyana ay kaw ka tahay iyagoo qaarkood ku nafwaaya marinkaas halista badan.