Wararka Soomaalida
Tartan kubadda cagta ah oo laga daah furay Muqdisho
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta maamulka Goboka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Shakayti) ayaa galabta daah furtay tartanka Copa Coca Cola Muqdisho ee 2019 oo ay ka qeyb galayaan 8 koox ciyaartooy oo ka kala socda 8 degmo oo kartisna Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow( Wiish) oo xaflada furitanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tartankan uu yahay mid lagu dhiirigelinayo degmooyinka wareegga 8-da ku dhameystay tartankii kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayna joogtayn doonaan dhiiri gelinta iyo horumarinta degmooyinka Gobolka Banaadir waxuuuna mahad celin u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo Shirkada Coca Copa oo tartanka taaba gelisay.
Guddoomiyaha Ururuka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo masuuliyiinta xaflada furitaanka ka hadlay ka mid ahayd ayaa sheegtay in tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir loo qabto aysan kaliya ku koobnayn ciyaaro basle dhallinyarada caafimad qab iyo badbaabdo utahay.
Marwo Basma Caamir oo tartanka daah furtay ayaa maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ku ammaantay dadaalka Horumarineed ee uu ka wado Gobolka Banaadir waxayna u mahad celisay shirkadda Coca Cola sidoo kale waxay baaq u dirtay shirkadaha Ganacsi ee Caasimadda dalka ku sugan in ay ka qeyb qaataan horumarinta isboortiga Soomaaliya.
Degmada Hodon ayaa 1-0 uga badisay degmada Dharkenley kulankii koowaad ee tartanka oo lagu ciyaaray garoonka Tayo ee degmada Waaberi ee tartanka.
8-da degmo ee tartanka ka qeyb galaya ayaa laba group u ciyaari doona waxaana degmadii guulaysata Soomaaliya ku matali doonta tartanka Copa Coca Cola Africa Cup oo 2020-ka dhici doona dalka Ghana.