Wararka Soomaalida
Tartanka Marathonka oo maanta ka dhacay Muqdisho+sawiro
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Oradka tartanka Marathon-ka waxaana tartankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashaneysa Gobalka Banaadir iyo Guddiga Olympic-kada Soomaaliyeed. waxaana ka qeyb-qaadanayey ciyaartooy laga soo kala xulay degmooyinka Gobalka Banaadir. Tartanka Marathon ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir […]
Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Oradka tartanka Marathon-ka waxaana tartankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashaneysa Gobalka Banaadir iyo Guddiga Olympic-kada Soomaaliyeed.
waxaana ka qeyb-qaadanayey ciyaartooy laga soo kala xulay degmooyinka Gobalka Banaadir.
Tartanka Marathon ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Mas,uuliyiin kale.
Orodka Tartanka Marathon-ka ayaa waxaa uu ka bilowday Aargada KM4 wuxuuna ku dhamaaday Aargada Daljirka Dahson ee Degmada Boondheere.
Orodkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro iskuuga jira rag iyo dumar waxaana lagu guuleysanayey abaalmarino qaadi ah kaalmaha Koobaad iyo labaad waxaana la ordayey qiyaastii Labo KM iyo Bar.
Waxaa kaalinta 4-aad galay wiil yar oo jira da,da 14 sano iyadoo Orodkan ay ka qeyb galeen dhalinyaro farabadan kana waa weyn.