Wararka Soomaalida

Tirada guud ee AMISOM looga dilay Soomaaliya oo la soo bandhigay

Published

on

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM oo dalka Soomaaliya soo galay sanadkii 2007 dii ayaa hadda waxaa la soo bandhigay warbixin ka hadlaysa tirada guud inta askari ee AMISOM looga dilay howlgalka Soomaaliya waxaana shaaciyay warbixintaas tirada Ciidanka AMISOM uga dhintay Soomaaliya khabiir udhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxna ka dhiga Jaamacadda George Washington ka dib baaritaan dheer uu ku sameeyay arinkaas.

Khabiirkan ayaa warbixinta uu soo saaray ku sheegay in ciidamada AMISOM intii u dhaxeysay bishii March 2007 illaa bishii December ee sanadkii hore 2018 laga dilay tiro udhexaysa 1,483 askari ilaa 1,884 askari.

Professor Paul Williams ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in lawada helo tirada rasmiga ah ee Ciidanka AMISOM ee ku geeriyooday howlgalka Soomaaliya sababo la xiriira dalalka Ciidamadan ka socdaan oo weli shaacinin Liiska Askartii looga dilay dagaaladii Alshabaab ay la galeen.

Khabiirkan udhashay dalka Maraykankan ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho lagu soo bandhigin Liiska iyo magacyada Ciiddankii loogu dilay howlgalka Soomaaliya balse lagu muujiyey qoraal lagu xusay in Saraakiil iskuuga jirta rag iyo haween ee AMISOM iyo kuwa Ciidamada Qaranka ee naftooda ku waayay si nabad iyo amaan ugu soo dabaalaana dalka Soomaaliya.

Midowga Afrika Warbixin maaliyadeed oo ay soo saareen ayaa laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta lagu dilay Soomaaliya.

Haddaba Midowga Africa ayaa wali ka hadlin warbixinta uu soo bandhigay Professor Paul Williams ee udhashay dalka Maraykanka ee baaritaanka ku sameeyay tirada guud ee Ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya iyo xadiga lacageed ee magdhawga ay ubixiyeen midowga Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version