Wararka Soomaalida
Tirada Soomaalida ku geeriyootay shilkii Ethiopian Airlines oo sii kordhay
Shirkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay duleedka Caasimadaha Ethiopia ee Addis Ababa deegaan ujira 62 KM ayaa waxaa sii kordhaya dadka Soomaaliyeed ee shilkaas ku dhintay. Waxaana ka mid ah. 1-Cabishakuur Maxamed Cabdulle oo loo yaqaanay (Shahaad) islamarkaana ahaa Protocol-ka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. 2-Sahro Xasan Siciid iyo wiil ay dhashay oo […]

Shirkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay duleedka Caasimadaha Ethiopia ee Addis Ababa deegaan ujira 62 KM ayaa waxaa sii kordhaya dadka Soomaaliyeed ee shilkaas ku dhintay.
Waxaana ka mid ah.
1-Cabishakuur Maxamed Cabdulle oo loo yaqaanay (Shahaad) islamarkaana ahaa Protocol-ka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
2-Sahro Xasan Siciid iyo wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Nasrudiin Cabduqaadir.
3-Aamino ibraahim Odawa iyo gabar yar oo ay dhashay laguna magacaabo Safiya Feysal Cigaal.
4-iyo Cabdi Diinle.
5-Siraaji Xuseen Cabdi.
Amino ibraahim Odawa iyo gabadheeda ayaa waxay ka yimaadeen dalka Canada iyagoo safar ku soo maray itoobiya waxayna haysteen dhalashada Wadanka Canada waxaana la sheegay in Aamina ibraahim Odawa in aroos ay ku geli lahayd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya nasiib xumo shilkii diyaarada Ethiopian Airlines ayey ku geeriyootay iyada iyo gabadheeda.
Cabdi Diinle ayaa waxaa la sheegay in uu haystay dhalashada Wadanka Maraykanka.
Siraaji Xuseen Cabdi iyo Sahro Xasan Siciid iyo wiilkeeda lama sheegin Soomaali ka sokow wadamada dhalashada ay ka haysteen.
Dhacdadan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Ra’iisul wasaare Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Kenya dhamaan tacsi ayay udireen dadkii eheladooda ay ku geeriyoodeen shilkaas diyaaradeed.