Wararka Soomaalida

Turkiga oo Soomaaliya ku wareejiyay Ciidamo Kumaandoos ah

Published

on

Saraakiisha Ciidamada Turkiga ayaa waxay tababar u soo xireen 363 askari oo Soomaali ah kuwaasoo ku biiraya Ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Ururka Al Shabaab.

Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Turksom ka dib markii ay soo qaateen tababar heerkiisa sareeyo iyagoo ku soo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamadan oo Kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo sidii looga xorayn lahaa deegaanada ay ka maamulaan Gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Munaasabad balaaran isla markaana Ciidamadan loogu wareejinayay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Xerada Turksom waxaana ka ka qayb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed,Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga General Varmeyez.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa wuxuu dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version