Wararka Soomaalida

Udiyaar garowga Xaflada Caleema saarka Hogaanka Puntland oo hadda toos ubilaabatay

Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa hadda waxaa toos uga bilaabatay Xaflada Caleema Saarka hogaanka Puntland. hoolka loogu talo galay Martida ka qayb galaysa xaflada ayaa la soo buux dhaafiyey waxaana socday soodhaweynta Madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa Munaasabaddaasi. Munaasabaddan balaaran ayaa waxaa ka qayb gala Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi […]

Published

on

Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa hadda waxaa toos uga bilaabatay Xaflada Caleema Saarka hogaanka Puntland.

hoolka loogu talo galay Martida ka qayb galaysa xaflada ayaa la soo buux dhaafiyey waxaana socday soodhaweynta Madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa Munaasabaddaasi.

Munaasabaddan balaaran ayaa waxaa ka qayb gala Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdixaashi Cabdulaahi,Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Hoose Mahad Cabdalla Cawad Xildhibaano labada Gole ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo muxaafad u ah Dowladda dhexe.

Dhinaca Mucaaradka ayaa waxaa ka qayb galaya Xasan Sheekh Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran labadaas waxay Soomaaliya mar ka soo noqdeen Madaxweyniyaal iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir oo intuba ku xigeenadooda ay la socdaan.

Madaxda Maamulada dhankooda ayaa waxaa xaflada ka qayb galaya Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Ducaale Madaxweynaha Galmudug oo ay isku aragti ka joogaan Dowladda dhexe Madaxda Xisbiyadaas aan idiin soo xusnay.

Muxaafadka Madaxda Maamulada ee Dowladda dhexe ayaa waxaa ka qayb galaya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Maxamed Cabdi waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Waxaa kaloo Xaflada ka qayb galaya Safiirada Caalamka ufadhiya Soomaaliya waxaa aad loo hadal hayaa qaabka ay uhadli doonaan Mucaaradka,Muxaafadka iyo Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya markii lagaaro hadal jeedinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version