Community
URUR LA YIRAAHDO WAALID OO MINNEAPOLIS LAGU DAAH FURAY
Guddomiyaha Ururka cusub ee loogu magac daray Waalid Mudane Abdirizak Alibos ayaa maanta ku daah-furay Ururka Waalid (Waalid Organization) magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Munaasabadda maanta lagu daah furay Ururka Waalid ayaa ka dhacday goobta Van Cleve Park oo ku taala konfurta magaaladda Minneapolis. Ururka Waalid ayaa ula jeedada iyo ahmiyadda loo sameeyay ay tahay in ay waalidiinta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota helaan Urur kaalmeeya, kuna xira dhamaan macluumaadka u sahlaya waalidiinta Soomaaliyeed in ay carruurtoodu aflaxaan, ayna helaan adeegyadda ubadka iyo dhallinyaradda Soomaaliyeed ka caawinaya dhinac walba oo noloshooda ah.
Waxaa ka soo qayb galay munaasabadda lagu daah furay Ururka Waalid, waalidiin Soomaaliyeed oo iskugu jira Hooyooyin iyo Aabeyaal, qaar kamid ah madaxda Soomaaliyeed ee laga soo doorto magaaladda Minneapolis oo ay kamid yihiin Madaxa Hay’ada Guryaha Dadweynaha Magaaladda Minneapolis (MPHA) Abdi Warsame, Jamal Omar oo loo doortay Guddiga Gudoonka Degmadda 6-aad, Ciyaartooydii hore ee Qaranka Soomaaliya oo ay Abdi Bile Abdi iyo Fartun kamid yihiin, Dhallinyaro, Macalimiin, Aqoonyahaniin, Ganacsato iyo qaar kamid ah bahda Saxaafada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha iyo Aasaasaha Ururka Waalid Mudane Abdirizak Alibos oo isagu qudbad kooban ku soo dhaweeyay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasabadda daah furka ah ayaa yiri, “Waxaan halkan uga mahadcelinayaa cid kasta oo hawshan ka qayb qaadatay. Si gaar ahna waxaan ugu mahadcelinyaa waalidka iyo xubnaha gudiga ururkan Waalid laf dhabarka u ah”.
Dhamaan marti sharaftii munaasabadda ka hadashay ayaa sheegay baahida loo qabo urur waalidiinta Soomaaliyeed cod u noqda, wacyigelin iyo tobabaro joogta ah u sameeya, kuna xira macluumaadka iyo adeegyadda ay waalidka, carruurta iyo dhallinyaradda Soomaaliyeed baahida u qabaan.
Sidoo kale waxaa la dhiirigeliyay, lana amaanay guddoomiyaha Ururka Waalid Mudane Abdirizak Alibos, isayadda oo looga mahadceliyay dadaalka iyo masuuliyadda muhiimka ah ee uu dhexda u xirtay. Aasaaska iyo daah furka Ururka Waalid ayaa ku soo aaday wakhti ay carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ay soo wajahayaan duruufo iyo dhibaatoyin baddan oo ay kamid yihiin isticmaalka maandooriyayaasha, is dilka iyo is toogashadda, cuduradda dhimirka iyo weliba dambiyo kale oo ay si joogta ah u gelayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.