Local News
Ururka Cedar-Riverside NRP oo qabtay kulan looga hadlay arrimo muhiim ah
Gudiga iyo maamulka Ururka Cedar-Riverside NRP ayaa qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimo muhiim u ah xaafada Cedar iyo dadweynaha deggan. Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Brian Coyle ayaa diirada lagu saaray arrimaha muhiimka u ah dadweynaha xaafada deggan, ganacsatada, ardayda iyo weliba dadka iyagu xaafada hantida ku leh ama ka shaqeeya. Dadkii […]
Gudiga iyo maamulka Ururka Cedar-Riverside NRP ayaa qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlay arrimo muhiim u ah xaafada Cedar iyo dadweynaha deggan.
Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Brian Coyle ayaa diirada lagu saaray arrimaha muhiimka u ah dadweynaha xaafada deggan, ganacsatada, ardayda iyo weliba dadka iyagu xaafada hantida ku leh ama ka shaqeeya.
Dadkii kulanka ka soo qayb galay ayaa si wadajir ah uga wada hadlay mowduucyada iyo arrimaha ugu muhiimsan ee la rabo in wax laga qabto. Arrimihii muhiimka ahaa ee diirada lagu saaray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa amniga, guryaha, barnaamijyadda dhallinyarada, waxbarshadda, kordhinta adeegyadda ka baxa xarunta Brian Coyle iyo sidii dhamaan hay’adaha iyo dadka xaafada ka shaqeeya ay u wada shaqayn lahaayeen.
Kulankan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa iska kaashaday Ururka Cedar-Riverside NRP iyo Hooyooyin Soomaaliyeed oo iyagu si iskaa wax u qabso ah isku abaabulay. Kulankan ayaa ahaa fursad ay dadka xaafada deggen, ka shaqeeya, wax ka barta, ka ganacsadda ama hanti ku leh ay ka wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga qabto si loo hormariyo xaafada.
Hadafka Ururka Cedar-Riverside NRP ayaa ah in ay taageeraan, sameeyaan, una ololeeyaan barnaamijyada dib-u-habaynta iyo horumarinta deegaanka iyo xaafada Cedar Riverside.
Ururka Cedar-Riverside ayaa shaqadiisu ay tahay in uu taageero dadka deegaanka iyo danaha xaafadda West Bank. Ururkan ayaa bixiya agabyo, adeegyo iyo macluumaad ay ahmiyadoodu tahay sidii kor loogu qaado nolosha dadweyanah deggen xaafada, sidii loo sugilahaa amniga iyo sidii ay dadka xaafada deggen qof yar iyo qof weynba ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarinta, hoggaaminta, iyo helitaanka fursado dhaqaale iyo waxbarasho oo loogu talagalay dhammaan dadka deggen xaafada.
CR-NRP ayaa iskaashi la yeesha xafiisyadda magaalada Minneapolis, hay’adaha maxaliga ah, ganacsatada, ururada xaafadaha, madaxda iyo hay’adaha si loo horumariyo barnaamijyo iyo adeegyadda uga faa’iideynaya dadka xaafada degan miisaaniyada magaalada, bixinta samafalka, iyo hantida beesha si ay uga faa’iideystaan xulafadahaan.
Laga soo bilaabo sannadkii 2008, Ururka Cedar-Riverside NRP oo ah 501 (c) (3) ama urur aanan faa’iido doon ahayn oo ahmiyadiisu ay tahay in uu adeego xaafada iy dadka deggan ayaa lacag ka badan $ 1.5 milyan ayaa wax uga qabtay arrimaha mudnaanta xaafada u leh oo ku qeexan xog ururinta iyo rabitaanka dadweynaha xaafada deggan oo ay kamidka yihiin arrimaha la xiriira amniga, guryaha, waxbarashada, dhalinyarada, odayaasha, horumarinta bulshada iyo qurxinta xaafadda.
Haddaba mowduucyadda iyo arrimaha ay dadweynaha ka soo qayb galay kulanka xulaan ayaa noqonaya qodobadda ay xooga saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen maamulka iyo guddiga Ururka Cedar-Riverside NRP.
Sawiradda: Abdiqadir Barre, Tusmo Times