Health

Vaping: Waxa ay tahay in ay waalidku ka ogaadaan

Published

on

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhaya dhallinyarada isticmaalaysa maandooriyaha Vaping-ka oo ah sigaar elektaroonik ah ama sigaarka loo yaqaano (e-sigaar). Sigaarkan oo ay dhallinyaradau isticmaalaan ayaa ah mid la dhuuqo oo qiiqa ka baxana uuna lahayn wax ur ah sida sigaarka caadiga ah oo kale.

Waalidka ayaa haddaba ubadkooda kala hadli kara, wargelin karana halista ay isticmaalka maandooriyaha vaping-ka ah leedahay. Waalidka ayaa marka ay iyagu bartaan halista caafimaad ahaan ee la xiriirta isticmaalka vaping-ka, carruurtooda iyo dhallinyaradda la wadaagi kara, ka wacyi-gelin kara, una sheegi kara:

  • Sida ugu haboon ee carruurta loogala hadlo khatarta caafimaad ee vaping-ku sababo
  • Sida loo ogaado in ilmahaagu ay dhuuqaan, isticmaalaan vaping-ka.
  • Sida loo caawimo dhallinyradda isticmaala vaping-ka.

Sidee U Shaqeeyaa Vaping-ka?

Sigaarka elektaroonigga ah “vaping-ka” ayaa kululeysa  dareerayaal ka kooban nikotiin ama xashiishad, kaddibna waxay noqdaan uumi, kaas oo la nuugo. Dareeraha (oo loo yaqaan “vape juice”) waxaa inta baddan ku jira oo ay ka kooban yihiin nikotiin ama xashiishad lagu shubo oo sidii saliid oo kale ah. Intooda baddan waxaa loogu tallo galay in mudo kooban la isticmaalo, kaddibna la tuuro.

Waa maxay Khatarta Caafimaad ee isticmaalka Vaping-ka?

Khatarta caafimaad ee isticmaalka Vaping-ka waxaa ka mid ah:

  • Qabatinka: sigaarka E-sigaarka ah waxaa ku jira nikotiin, iyo daroogoyiin kale oo aad u qabatimo baddan, mar haddii uu qofku la qabsaddana ay adag tahay sida uu iskaga joojiyo. Qofkuna uma baahna in uu maalin kasta dhuuqo ama cabo vaping-ka si uu u qabatimo, wax ku filan dhowr jeer oo uu qofku isticmaalo maandooriyahan.
  • Walaaca iyo niyad-jab: Nikotiinka ku jira vaping-ka ayaa ka sii dara welwelka iyo niyad-jabka uu qofku qabo. Waxa kale oo ay saamaysaa xusuusta, feejignaanta, is-xakamaynta, iyo dareenka, gaar ahaan maskaxda soo koraysa.
  • Noqoshadda qof sigaar cabbista caadeysta: Dadka da’da yar ee sigaar Vaping-ga ama E-sigaarka cabba waxay u badan yihiin in ay bilaabaan sigaarka caadiga ah (tubaakada) waxaana laga yaabaa oo ay u baddan tahay in ay yeeshaan balwado kale mustaqbalka.
  • Dhibaatooyin la xiriira hurdada, iyo hurdo xumo.
  • Kiimikooyinka kansarka sababa oo laga yaabo in ay qofka isticmaala E-sigaarka iyo vaping-ka soo gaaraan.
  • Iyo dhaawac soo gaara sambabadda oo caafimaadka qofka halis gelin kara.

Saamaynno kale oo caafimaad ayaa suurtagal ah oo uu Vaping-ku sababo oo aan weli la ogeyn. Isticmaalka Vaping-ka ayaa muddo kooban soconday, waaba maandooriye cusub, marka khatarteeda caafimaad lama wada yaqaan weli.

Sideed ku ogaan karaa in ilmahaagu uu istimcaalo Vaping-ka?

Calaamadaha isticmaala vaping-ka lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Arrimo caafimaad xumo cusub ah, sida qufac ama xiiq oo aad ku aragtid ilmahaaga.
  • In aad aragto ilmahaaga oo wata sigaarka elektaroonigga ah, sida khada dheecaanka ah ee lagu daro, loona isticmaalo Vaping-ka ama walxo kale oo muuqaal ahaan aad ka shakiso.
  • In aad ur cusub oo nooc kale ah oo ay sababeen (khada ama dheecaanka maandooriyaha ah ee ay ku jiraan nicotine iyo marijuana vaping-ka lagu daro) oo ka soo carfa dharka uu ilmahaagu xirto/xidhan yahay, ama marka ay neefsadaan iyagga oo ku la hadlaya ama ku ag fadhiya.

Maxaan Sameeyaa Haddi Ilmahaygu isticmaalo Vaping-ka?

Ilmahaagu waxa uu u baahan doonaa caawimad iyo taageero si uu iskaga joojiyo isticmaalka Vaping-ka. Isku day sidii aad u caawin lahayd, una heli lahaa dhiirigelin keenta sidii ilmahaagu u joojin lahaa isticmaalka vaking-ka. Waxaa laga yaabaa oo lagama maarmaan ah in aad in baddan la hadasho ilmahaaga:

  • In aad mar walba la doonaysid in uu ilmahaagu noqdo qof caafimaad qaba, horumar dhankasta oo nolosha ahna gaara.
  • Ku dadaal sidii uuna ilmahaagu u noqon qof la qabsadda ama joogteeya isticmaalka maandooriyaha si ayna balwad joogto ah ugu noqon.
  • Isku day oo ku dadaal in aad ka ilaaliso ilmahaaga xayaysiisyada lagu bartilmaameedsado dhalinyaradda ee maandooriyayaasha xayeeysiiya.

Sidee Caruurtu iyo Dhallinyaradu u joojin karaan Vaping-ka?

Dhallinyarada doonaya in ay joojiyaan, waxaa caawin kara:

  • Marka koobaad go’aanka waxaa iska leh iyaga, waxaana la rabaa in marka ay gaadhaan go’aan ay rabaan in ay iskaga joojiyaan isticmaalka vaping-ka ay meel ku qortaan wakhtiga ay rabaan in ay joojiyaan iyo sababta ay rabaan in ay iskaga joojiyaan. Tan ayaa u sahlaysa in ay marka ay damcaan in ay isticmaalaan vaping-ka ama ay xaraaradi qabato, in ay dib u eegaan sababta keentay in ay iska joojiyaan.
  • Ka caawi ilmahaaga sidii u dooran lahaa maalin go’an oo ay rabaan in ay joojiyaan isticmaalka Vaping-ka. Maalinta ay doortaan in ay iska joojiyaan isticmaalka vaping-ka ha ku qortaan jadwalka si ay u xasuustaan, ha u sheegaan saaxiibadood, gaar ahaan kuwa taageeraya ee dhiirigelinaya, sidoo kale hala wadaagaan qoyskooda, si ay u garab istaagaan.
  • Dadka qaarkiis waxaa u shaqeeya oo u sahla in ay iska joojiyaan isticmaalka vaping-ka calajinta xanjo aan sonkor lahayn ama nacnac.
  • Tuur, kana ilaali dhamaan wixii la xiriira vaping-ka.

Qore:

Abdillahi Kahin

Program Manager (WellShare International)

Email: Abkahin@wellshareinternational.org

Trending

Exit mobile version