Wararka Soomaalida
Villa Soomaaliya oo Kismaayo Ciidan udiyaarinaysa
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Ciidan udiyaarinaya Magaalada Kismaayo oo bisha August lagu wado inay ka qabsoonto doorashada Maamulka Jubbaland sida Baarlamanka iyo Madaxweynaha Maamulkaas. Ciidankan Villa Soomaaliya udiyaarinayso Magaalada Kismaayo ayaa gaaraya 350 Askari oo ka mid ah Ciidanka Miletariga Soomaaliya badankooduna Ciidanka ka soo galay deegaanada Maamulka Jubbaland sida ay nala wadaageen qaar […]
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Ciidan udiyaarinaya Magaalada Kismaayo oo bisha August lagu wado inay ka qabsoonto doorashada Maamulka Jubbaland sida Baarlamanka iyo Madaxweynaha Maamulkaas.
Ciidankan Villa Soomaaliya udiyaarinayso Magaalada Kismaayo ayaa gaaraya 350 Askari oo ka mid ah Ciidanka Miletariga Soomaaliya badankooduna Ciidanka ka soo galay deegaanada Maamulka Jubbaland sida ay nala wadaageen qaar ka mid ah siyaasiyiinta la socda xaalada siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.
Ciidankan ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha dalka Turkiga si au usiiyaan tababar dheeri ah oo ku saabsan arimaha doorashooyinka sida loo sugayo iyo habka ciidan ee arimaha nokcaas oo kale ah ugu howlgali karaan.
Saraakiisha Turkiga ayaa Ciidankan tababarka ku siinaya muddo dhan 20 Cesho iyagoo siinaya cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaaladaha adag ee amaanka iyo siyaasadda.
Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo ku timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan Magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo Ciidankan oo kaliya mahan sida aan xogta ku helnay iyadoo hoaray halkaas ujoogeen Ciidan ka mid ah Miletariga Soomaaliya oo tababarkooda Ciidan udhamaystiran yahay.
Sidoo kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidanka AMISOM iyagoo dhinacooda wax ka sugaya amaanka doorashada sida qorshuhu uu yahay waxaana amaan sugida iska kaashan doona Ciidankan 350 Askari ah ee hadda la siinayo tababar dheeri ah ee Turkiga gacanta ku haya iyo kuwii horay ujoogay Kismaayo iyo sidoo kale Ciidanka AMISOM.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha nagu soo aadan si ay halkaas uga dhacdo doorasho ay maamulayso Xukuumadda Soomaaliya.
Ujeedka ugu weyn ee ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay tahay sidii Axmed Maxamed Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland looga leexin lahaa Maamulka Jubbaland sidii ka dhacday Baydhabo iyo tan hadda haysata Axmed Ducaale Geele Xaaf ee Maamulka Galmudug oo kale.