Wararka Soomaalida
Villa Soomaaliya oo wali go,aan ka gaaraysa arrinta Kenya
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wali ka socda shir looga aransanayo go,aankii dowladda Kenya ay ka qaadatay Soomaaliya ee ku saabsan Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo lagu amray in si deg deg ah ugu baxo Kenya kan Kenya si Deg deg ku soo laabtay dalkooda. Shirkaas hadda go,aanka Kenya looga jawaabayo ayaa waxaa leh Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha […]
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wali ka socda shir looga aransanayo go,aankii dowladda Kenya ay ka qaadatay Soomaaliya ee ku saabsan Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo lagu amray in si deg deg ah ugu baxo Kenya kan Kenya si Deg deg ku soo laabtay dalkooda.
Shirkaas hadda go,aanka Kenya looga jawaabayo ayaa waxaa leh Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha Gudoomiyaasha labada aqal iyo khubarada mas,uuliyiintaas waxaana la faliyaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan go,aan deg deg ah.
Dhinaca kale waxaa maanta Magaalada Muqdisho yimid Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Safiirkii Soomaaliya ee Kenya,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo intuba ku sugnaa Nairobi ee dalka.