Wararka Soomaalida
Waafow oo si innaba caadi ahayn loogu soo dhaweeyey Marka+sawiro
Gudoomiyaha Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada kaasoo jeeda Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta gaaray degmada Marka iyadoo si innaba caadi ahayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Marka. Gudoomiye Waafow iyo Xildhibaanada la socday ayaa waxay maanta diyaarad nooca yaryarka ah ka raaceen Magaalada Muqdisho […]
Gudoomiyaha Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada kaasoo jeeda Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta gaaray degmada Marka iyadoo si innaba caadi ahayn loogu soo dhaweeyey Magaalada Marka.
Gudoomiye Waafow iyo Xildhibaanada la socday ayaa waxay maanta diyaarad nooca yaryarka ah ka raaceen Magaalada Muqdisho iyadoo markii dambe diyaaraddaas ku dejisay meel aan sidaas ugu fogayn Degmada Marka.
Shacabka ku nool Magaalada Marka ayaa maanta waxay umuujiyeen Cabdulaahi Cali Axmed Waafow Gudoomiyaha Degmada Marka sida ay ugu faraxsan yihiin Gudoomiyahaan loo soo magacaabay Magaaladaas.
Cabdulaahi Waafow ayaa xilkan Gudoomiyaha Marka waxaa Wareegto ku magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa waxaa uu horey u,ahaa Gudoomiyahii Number 50 Konton ee Shabeelada hoose dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaana sidoo kale uu ahaa Taliyaha Ciidanka ilaalada Marka iyo Number 50 inta u dhaxaysa deegaanada ku yaala.
Wuxuu kaalin weyn uu ka qaatay la dagaalanka Al shabaab iyadoo marxalado kala duwan uu ku soo qaatay Number 50 intii uu mas,uilka ka ahaa.
Markii xilkan Gudoomiyaha Degmada Marka loo magacaabay dhowr bil ka hor waa markii ugu horeyey ee uu tago Degmadii loo magacaabay tegi taankiisa Magaalada Marka ayaa waxay noqonaysaa iyadoo Al shabaab ay harewreeyeen Magaalada Marka ka dub magacaabustiisa.
Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa si rasmiga ah ugu guuray Magaalada Marka iyadoo caawa uu ku hoyday Degmadii loo magacaabay waxaana maalmaha nagu soo aadan si toos ah ugu howl geli doonaa xafiiskiisa Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.
Magaalada Marka ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan dagaal qabiil iyo midka Al shabaab bulshadii ku nooleed Magaalada Marka badi waxay barakacayaal ku yihiin duleedka Magaalada Muqdisho.