Community
Waalidiin laga wacyi geliyay Halista uu leeyahay Sigaarka Korontada ku shaqeeya
Kulankan wacyi gelinta ah ayaa waxaa looga hadlay halista ay leeyihiin qalabka koronta ku shaqeeya oo sigaarka korontada ku shaqeeya ee loo yaqaan “e-cigarettes” uu kamid yahay. Isticmaalka Sigaarka korontada ku shaqeeya iyo qalabka kale ee lamidka ah ayaa maalmahan ku soo badanaya bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.
Ha’yadda WellShare International ayaa soo qaban qaabisay kulan lagu wacyi geliyay waalidiinta Soomaaliyeed. Kulankan oo iska kaashadeedan WellShare International iyo Masaajidka Darul Hijra ayaa lagu qabtay xarunta shirarka ee Masaajidka Darul Hijra ee magaalada Minneapolis. Kulankan wacyigelinta ah ayaa loo qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, gaar ahaan waalidka. Kulankan muhiimka ah ayaa dhacay maalintii Arbacada ee bisha November ay ahayd 20, 2019.
Abdirahman Mohamud oo isagu ah Agaasimaha Barnaamijka Wacyigelinta Ha’ayadda WellShare International oo isagu tababarka iyo wacyigelinta waalidka kullankan ka sameeyay ayaa sheegay, “sigaarka korontada ku shaqeeyaa waxaa ku jirta maadada nikootiinka, taasi oo marka jidhka ay la falgasho, jidhku uu qabatimo, la’aanteedna aanu qofku joogi Karin isticmaalka sigaarka”.
Sidoo kale Abdirahman Mohamud ayaa waalidiintii kulanka ka soo qayb galay in, “marka uu qofka isticmaala tubaakada uu dhahayo “xaraarad ayaa i haysa” ay tahay in uu jidhkiisu la qabsaday isticmaalka maadada nikootiinka”. Hadaba nikootiintu ama daroogadu waxa ay waxyeelo wayn u gaysataa maskaxda caruurta iyo dhalinyarada maadaama ay maskaxdoodu sii korayso illaa oo uu qofku gaaro 25 sano jir.
Sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadka gobolka Minnesota waxaa kor u kacay tirada caruurta iyo dhalinyarada isticmaasha sigaarka korontada ku shaqeeya ee dhigata iskuulada dhexe iyo sare ee Minnesota. Intii u dhexeysay sanadkii 2017 iyo 2018 tirada caruurta iyo dhalinyarda isticmaasha sigaarka korontada ku shaqeeya waxa ay gaadhay 1.5 million. Waxaa kale oo jirta baaditaan la sameeyay in xayaysiiyada lagu baahiyo baraha bulshada, joornaalada iyo TV-yada dalku ay sare u kacday 70% sanadkii 2016. Dadka xayaysiinaya sigaarka korontada ku shaqeeya waxa ay dadka uga dhigaan in aanay caaimaadkooda waxba yeelaynin, waxayna dhalinyarada u toosiyaan in ay tahay wax keenayso in ay akhyaarnimo u horseedayo, arintaas oo u sahlaysa caruurta iyo dhalinyaradaba in ay si sahal ah u bilaaabaan.
Nooca uga caansan sigaarka korontada ku shaqeeya dalka Maraykanku waa nooc la dhaho JUUL oo u muuqaal eg USB Drive (flash drive. Dhalada yar ee dareeraha ah ee JUUL-ka nikotiinta ku jirtaa waxay u dhigantaa 20 xabbo oo sigaarka caadiga ah.
Waxaa kasoo qeybgalay kulankan muhiihmka ah qaar ka tirsan culimadda, waalidiinta, waxgarad, dhalinyarrada, haween iyo aqoonyihanniin ku dhaqan gobolka Minnesota.
Ha’yadda WellShare International ayaa mar walba ka shaqaysa adeegyadda caafimaadka, gaar ahaan wacyi gelinta iyo tababaradda la xiriira arrimaha caafimaad ee qoyska, ka hortaga iyo badbaadada bulshadda.
Waxyaabaha kale ee aad looga hadlay waxaa kamid ah kaalinta waalidku ay ku leeyihiin ka hortaga iyo baraarujinka carruurtooda da’yarta sidii ay oga taxadari lahaayeen isticmaalka sigaarka iyo dhamaan wixii maandooriye ah. Shaqaalaha WellShare International oo ah dad takhasus iyo khibrad u leh wacyi gelinta bulshadda iyo mowduucyadda la xiriira caafimaadka iyo waaldkii ka soo qayb galay barnaamijka ayaa isku raacay in la joogteeyo kullamada noocan oo kale ah.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo in lugu wada baraarugsanaado horumarinta caafimaadka iyo dhamaan wixii halis caafimaad ama dhibaato caafimaad keeni kara.