Wararka Soomaalida

Waare oo war ka soo saaray diyaaradii maanta ka degtay Beledweyne

Published

on

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay diyaaradii maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne taasoo siday Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya wuxuuna sheegay Madaxweyne Waare inay la xisaabtamayaan Shirkadda iska leh diyaaradaas ka dib markii qatar gelisay nafta mas’uuliyiinta saarnayd diyaarada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa wuxuu sheegay in maalmahaanba Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne aad u adkayd xaaladiisa xagga isticmaalka diyaaradaha marna xirmayay marna uu furmayay Roobabka lixaada leh ee ka da,aya magaalada awgeed sidaas darteed duuliyaha diyaarada uu sameeyay qar iska tuurnimo oo halis ku ahayd Madaxda uu diyaarada ku siday.

Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa wuxuu beeniyay warar maanta oo dhan la,isla dhaxmarayay oo ku saabsanaa in Madaxweyniyaaahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ay hogaaminayaan diyaarada waday laga demoyay Raadeelka garoonka balse wuxuu sheegay in duuliyaha diyaarada uu demiyay Raadeelka diyaarada iyadoo aan laga war hayn mar qura uu ka soo dejiyay garoonka taasoo uu ku tilmaamay mas,uuliyad daro weyn oo uu sameeyay duuliyaha diyaarada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa intaas hadalkiisa raaciyay inaysan jirin sabab ay ku celiyaan ama Raadeel ka densadaan Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya iyagoo samafal usocda wararka la,isla dhaxmarayana aaney waxba ka jirin markii ay yimaadeen Beledweyne ay soo dhaweeyeen.

“Saaka 6-dii subaxnimo markii ay ahayd ayaa la ii sheegay in garoonka aan lagu degi karin maadaama 600-mitir oo dhulka dayaaradaha ku degaan uu biyo dhigay Rooba xalay ka da’ay magaalada intaas ka dib waxaan la xiriiray Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka diyaaradaha Muqdisho xiligaas ku sunaa abaarihii 8-dii subaxnimo waxaan la wadaagay macluumaadka aan hayo balse waa diiday in safarkooda ay baajiyaan waxaan kaloo rabaa in aan halkan ka sheego wax kasta oo dhibaato ah oo arintaas ka imanaya waxaa kula xisaabtameynaa shirkadda iska leh diyaarada qaaday wafdiga iyadoo aan ku war gelinay in garoonka uu xiran yahay waxay ahayd arin aan wanaagsanayn oo waliba qatarteeda leh sidaa daraadeed waxaan la xisaabtami doonnaa shirkadda diyaaradaas ee ka degtay magaalada Beledweyne”ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Barqadii maanta ayaa waxaa si xowli ah baraha bulshada ugu soo daadiyeen mucaaradka dowladda ka soo horjeeda iyagoo sheegayay in wafdiga Madaxweyniyaashii hore loo diiday inay ka duulaan garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho wada hadal iyo dood dheer ka dib la fasaxay inay uduulaan Hiiraan waxay kaloo intaas ku xijiyeen wararkoodii maanta in haddana laga hor istaagay inay ka degaan garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne balse wararkaas ay baahiyeen qolooyinka mucaaradka ah uu beentoobay.

Trending

Exit mobile version