Wararka Soomaalida
Waaxda Socdaalka Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixiyey arimaha Kenya
Agaasimaha Hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan (Koofi) oo la hadlay warbaahinta qaar ee Magaalada Muqdisho xarumaha ku leh ayaa caawa waxaa uu si kulul ugu hadlay arimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo war ka soo yeeray maanta xubin ka mid ah waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Kenya oo ku saabsan inay […]
Agaasimaha Hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan (Koofi) oo la hadlay warbaahinta qaar ee Magaalada Muqdisho xarumaha ku leh ayaa caawa waxaa uu si kulul ugu hadlay arimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo war ka soo yeeray maanta xubin ka mid ah waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Kenya oo ku saabsan inay ku war geliyeen dowladda Soomaaliya in duulimaadka Soomaaliya iyo Kenya wax weyn iska bedelay sidoo kale arimaha socdaalka labada wadan wax badan iska bedelay.
Agaasime Koofi oo warkaas jawaab ka bixiyey ayaa beeniyey in dowladda Kenya habayaraate wax ku saabsan duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ku soo war gelinin xafiisyada dowladda Soomaaliya sidoo kale arimaha Socdaalka ee diblumaasiga sidoo kale lala socodsiinin dowladda Soomaaliya Dowladda Kenya iyo kuwa uhadlayaba warkaas keli ku yahay oo beentooda ay tahay.
Maxamed Aadan Koofi Agaasimaha Hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa intaas warkiisa ku daray in xafiiska uu mas,uulka ka yahay arimahaas wax xiriir ah oo lagala sameeyey oo dhanka Kenya ah jirin warka ay sheegeen Kenya ku keli yahay.
Shaqsi Kenyan ah oo qariyey magaciisa iyo jagadiisa balse sheegay inuu ka tirsan yahay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Kenya ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ku war geliyeen in duulimaadkii iyo heshiiskii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya isbedel ku yimid sidoo kale arimaha diblumaasiga isbedel lagu sameeyey.
Xubintaas u hadashay dowladda Kenya ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay arimihii Wasiirada iyo Xildhibaanada Soomaaliya ee shalay lagu xanibay Jomo Kenyatta ka dibna loo diiday in la siiyo Visaha wuxuu sheegay inay usheegeen Xafiisyada Soomaaliya in diblumaasiyiinta Soomaaliya Visaha kaga soo dhufsadaan Safaaradooda ku taala Magaalada Muqdisho.
Wuxuu intaas raaciyey sababta loo soo celiyey Xildhibaanada iyo wasiirada Viisahana loogu diiday inay tahay in Muqdisho dib ugu laabtaan ka dibna Safaaradda Kenya ee Muqdisho Baasabooradooda kaga soo dhufsadaan Visaha.