Wararka Soomaalida

Wadada degmada Galdogob oo dhismo lagu bilaabay

Published

on

Wadada laamiga ah ee bartamaha ka marta degmada Galdogob ee gobolka Mudug qaybta maamulka Puntland ayaa waxaa lagu bilaabay dib udayactir balaaran ka dib markii uu ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

Shirkad lagumagacaabo Kebarco ayaa bilowday inay Laami casiri ah saarto wadada bartamaha degmada Galdogob ee gobalka Mudug taasoo dhismaheeda ay iska kaashanayaa maamulka Puntland iyo Bulshadda Galdogob sida aan xogtan ku helnay ay sheegayso.

Bulshada ku nool Galdogob ayaa baahiweyn uqaba in dib udayactir lagu sameeyo wadadaas iyagoo hadda siweyn usoo dhaweeyay howshan hadda ka socota Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug qaybta maamulka Puntland uu maamulo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version