Wararka Soomaalida

Wafdi ka socda Dowladda federaalka oo loo diiday in ay ka degaan Garowe

Wafdigan loo diiday in ay ka degaan Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland isla markaana ka socda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxayna ka koobnaayeen Wasiiro,Xildhibaano iyo Mas,uuliyiin kale oo dhamaan ka soo jeeda Gobolada Bari iyo Nugaal ee Maamulka Puntland. Waxaana ujeedkooda uu ahaa in ay […]

Published

on

Wafdigan loo diiday in ay ka degaan Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland isla markaana ka socda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxayna ka koobnaayeen Wasiiro,Xildhibaano iyo Mas,uuliyiin kale oo dhamaan ka soo jeeda Gobolada Bari iyo Nugaal ee Maamulka Puntland.

Waxaana ujeedkooda uu ahaa in ay qeeb ka ahaadaan Doorashada 8-January ka dhacaysa Magaalada Gariwe ee Maamulka Puntland oo lagu dooranayo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Mas,uuliyiintii la socotay ayaa Saaka utabaabush-Shaystay in ay diyaarad ka racaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho si ay u,aadaan Garowe.

balse War ka yimid dhinaca Puntland oo ku soo dhacay Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa Mas,uuliyiinta lagu War galiyey in dib uga laabtaan shaqooyin kooda ka dib markii loo sheegay in wax ka socda Dowladda dhexe ka degi Karin Garowe sida loo sheegay Maamulka Hawada Soomaaliya haddii ay raacaan Diyaarad oo go,aankooda ku adkaystaana Maamulka Hawada Soomaaliya aanay amaankooda damaanad qaadi Karin.

Intaas ka dib waxaa isku dayo farabadan sameeyey Isimada Maamulka Puntland oo Warkan ka war helay si ay Garowe ugaaraan Mudaniyaashan ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya dadaalkaas ayaa miro dhaliwaayey uga dambayntii Wasiir Cawad iyo Mas,uuliuiintii la soctay ayaa dib ugu laabtay Shaqooyinkii iyo Guryaha ee Muqdisho ay degan yihiin ka dib markii saacado ay ku xayirnaayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Talabadan hakinta ah ee maanta lagu sameeyey Mas,uuliyiin katirsan Dowladda dhexe ayaa waxay ku soo beegmaysaa kagadaal markii dhowaan Wasaaradda amniga Gudaha ee Maamulka Puntland ay soo saaratay amar ku wajahan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya in aanay imaankarin Garowe inta Doorashada ay ka dhamaanayso.

Laakiin waxaa amarkaas ka dib iyo ka horba Garowe si kala gooni gooni ah ugaaray Agaasimiyaal,Saraakiil iyo Xildhibaano labada Aqalba ka kooban,inkastoo War goor dambe ka soo baxay Maamulka Puntland lagu sheegay in Xildhibaanada labada Aqal khusaynin amarka Mamnuucidda Madaxada Dowladda federalka aysan tegi karin Deegaanada Maamulka Puntland.

Kaliya cida amarkaani uu ku socdo uu yahay Wasiirada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version