Wararka Soomaalida

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Garowe iyo amarkii Puntland oo shaqayn waayay

Waxaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe ka degay Wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,wafdiga Xildhibaanada ah ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe kaga hortagay qaar ka mid ah Bulshada Garowe iyo Siyaasiyiin ku nool Magaaladaas iyagoo usameeyey soo dhaweyn balaaran. Xildhibaanadan gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland […]

Published

on

Waxaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe ka degay Wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,wafdiga Xildhibaanada ah ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe kaga hortagay qaar ka mid ah Bulshada Garowe iyo Siyaasiyiin ku nool Magaaladaas iyagoo usameeyey soo dhaweyn balaaran.

Xildhibaanadan gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa waxay ka soo jeedaan Gobolada Bari iyo Nugaal halkaas oo ah meeshii markii horaba laga soo doortay.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya ee galabta gaaray Garowe ayaa waxay kala yihiin

1-Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi 2-Xildhibaan Cali Yuusuf  Cali Xoosh iyo qaar kale oo deegaan doorashadooda ay tahay Puntland.

Xildhibaanadan maanta gaaray Magaalada Garawe ayaa u kuur galaya doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland oo isku mar la dooran doono sida qorshuhu uu yahay iyadoo la filayo in horaanta bihan oo ku beegan 8-da,ay ka dhacdo Doorashada Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Tagitaanka Xildhibaanadan Magaalada Garawe ayaa kusoo aadaya xili dhowaan maamulka Cabdiweli Gaas uu amar ka soo baxay Maamulka Puntland looga mamnuucay in deegaanada Puntland ay galaan xubnaha katirsan dowlada federaalka Soomaaliya sida Wasiirada,Wasiir kuxigeenada,Xildhibaanada,Xoghayaasha Xafiisyada Dowladda federaalka,Agaasimiyaasha iyo dhamaan shaqaalaha Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tani ayaa ka turjumaysa in uu shaqayn waayey amarkii Maamulka Cabdiwali Gaas uu ku soo rogay Mas’uuliyiinta Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Magaaladaas horay ay ugu sugnaayeen Saraakiil iyo Mas’uuliyiin Dowladda dhexe ka tirsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version