Wararka Soomaalida
Wafdi ka socda QM oo maalinta beri ah lafilayo in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho
Wararka intabadan lahadal hayo ayaa wuxuu yahay in maalinta beri ah Magaalada Muqdisho lafilayo in ay yimaadaan Wafdi ka socda QM isla markaana doonaya in Madaxda Federaalka Soomaaliya ay kala hadlaan khilaafka u dhexeeya QM iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ka dib Ceyrintii dalka laga ceyriyey Wakiilkii QM ee arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Wafdigan lafilayo in […]
Wararka intabadan lahadal hayo ayaa wuxuu yahay in maalinta beri ah Magaalada Muqdisho lafilayo in ay yimaadaan Wafdi ka socda QM isla markaana doonaya in Madaxda Federaalka Soomaaliya ay kala hadlaan khilaafka u dhexeeya QM iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ka dib Ceyrintii dalka laga ceyriyey Wakiilkii QM ee arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.
Wafdigan lafilayo in booqasho Rasmi ah maalinta beri ah ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaysa kaaliyaha xoghayaha guud ee QM arrimaha dhinaca Siyaasadda haweenayda lagu magacaabo Rosemary DiCarlo.
Haweenaydan iyo wafdigeeda ayaa la sheegayaa in ujeedka safarkooda Muqdisho uu ku qotomo xalinta iyo soo afjarida khilaafka QM iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.