Wararka Soomaalida
Wafdi ka socda Sucudiga oo Muqdisho yimid+sawiro
Wafidaga ka socday Boqortooyada Sucudiga ayaa waxaa hogaaminayey Wasiiru dowlaha Afrika uqaabilsan Boqortooyada Sucudiga iyagoo kualamo la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya. Mas,uuliyiintan ka socday Sucudiga ee la kulmay Madaxda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dowladood xiriirka soo jireenka ah. Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika ee […]

Wafidaga ka socday Boqortooyada Sucudiga ayaa waxaa hogaaminayey Wasiiru dowlaha Afrika uqaabilsan Boqortooyada Sucudiga iyagoo kualamo la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya.
Mas,uuliyiintan ka socday Sucudiga ee la kulmay Madaxda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dowladood xiriirka soo jireenka ah.
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya Axmed Kattan kaasoo salaan iyo dhambaal uga siday Boqorka Sucudiga Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.
Madaxweynaha ayaa ka gudoomay salaanta diiran ee ugu timid Boqorka Sucudiga.