Wararka Soomaalida

Wafdi Odiyaal dhaqameed oo gaaray Xeraale+sawiro

Wafdigan Odayaal dhaqameedka ah ayaa waxay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho iyagoo xalay ku hoyday Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Ujeedka socdaalkooda ayaa wuxuu yahay xal uhelida dagaalkii dhiigabadan ku daatay ee ka dhacay Xeraale iyo deegaanada Hoos yimaada. Odayaasha dhaqanka ee ku baxay xaalada Degmada Xeraale ayaa waxay gaarayaan 21 Oday dhaqameed ka dib markii […]

Published

on

Wafdigan Odayaal dhaqameedka ah ayaa waxay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho iyagoo xalay ku hoyday Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka socdaalkooda ayaa wuxuu yahay xal uhelida dagaalkii dhiigabadan ku daatay ee ka dhacay Xeraale iyo deegaanada Hoos yimaada.

Odayaasha dhaqanka ee ku baxay xaalada Degmada Xeraale ayaa waxay gaarayaan 21 Oday dhaqameed ka dib markii shirar isdaba joog ahaa oo ka dhacay Muqdisho lagu go,aamiyey in Odayaashan ay ku baxaan Colaada Xeraale iyo in nabad buuxda ay dhax dhaliyaan dhinacyada dagaalamay.

Odayaashaas ayaa waxaa horboodaya Ugaas Faarax Cabdi Sheekh oo ah oday dhaqameed si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida kana mid ah ehelka magac wadaaga ay yihiin dhinacyada isku laayey Degmada Xeraale ee iyo nawaaxigeeda.

Odayaashan u istaagay nabadaynta dhinacyadii ku kala irdhoobay dagaalkii ka dhacay degmada Xeraale ayaa maanta gaaray deegaanka Huurshe iyo Degmada Xeraale iyadoo si wayn loogu soo dhaweyey Huurshe iyo Xeraale.

Wafdigan xal raadinta ah ayaa kulamo hordhac ah la qaatay dhinacyada kala duwan ee ku nool deegaanka Huurshe iyo Degmada Xeraale waxaana warbixino ay ka dhagaysteen dhinacyadii kulamada ay la qaateen.

Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmay labada dhinac ee dagaalka ku dhexmaray Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud iyadoo labada dhinacba ka dhagaystay sida xalka uu ku jiro.

Wararka aan ka helayno Degmada Xeraale ayaa sheegaya in laga aqbalay isla markaana si wada jira loogu sheegay in nabada ay wadaan loo yahay diyaar gacana lagu siin doono xalinta dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Degmada Xeraale.

Odayaashaas dhaqanka ah ee gaaray Xeraale ayaa maalmahanba ku sugnaan doona Degmada Xeraale iyadoo hadafkooda uu yahay in nabad kala dhax dhigaan dhinacyada dagaalamay ugu dambayntiina kala qaadi doona Meleeshiyaadka is hor fadhiya.

Dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Degmada Xeraale ayaa waxaa ku nafwaayey 45 qof halka dhaawaca uu gaarayo 100 ruux sida ay sheegayaan Wararka dagaalkii Xeraale ka dhacay iyadoo dagaalkaas uu dhexmaray meleeshiyaad isku heyb ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version