Wararka Soomaalida

Wafdi Xildhibaano iyo wasiiro ah oo gaaray Beledweyne

Published

on

Maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray wafdi ka kooban Xildhibaano iyo wasiiro waxayna sidoo kale ka tirsan yihiin qaar kood gudiga gurmadka fatahaadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyagoo sida gurmadkii dowladda ugu talagashay qoysaska ka barakacay magaalada Beledweyne.

Wasiir Cabdullahi Goodax Barre oo ka mid ah gudiga gurmadka fatahaadaha oo hogaaminaya wafdigaasi gaaray Beledweyne ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen qoysaska ka barakacay Fatahaada iyo sidii ugaarsiin lahaayeen gargaarka ay uwadaan.

“Waxaan maanta soo gaarnay Magaalada Baladweyne aniga iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ujeedka Safarkeena ayaa ahaa sidaan dhibka ula qeybsan laheyn bulshada Gobalka Hiiraan, oo ay saameyn balaaran ay ku yeesheen Fatahaada wabaga Shabelle”

Fatahaada Wabiga Shabeele ayaa wuxuu keenay saamayn balaaran oo dal iyo dibadba laga soo wada gurmaday.

Trending

Exit mobile version