Wararka Soomaalida

Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweyn loogu sameeyay Beledweyne

Published

on

Shacabka magaalada Beledweyne ayaa si’ dareen leh u soo dhaweeyey wafdiga balaaran ee ay Guddoominayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii maanta halkaas ay gaarsiiyeen gargaarkii ay ugu tala galeen qoysaska saameynta ku yeesha fatahaada Wabiga Shabeele.

Wafdigan ay hogaaminayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa safarka ku weheliya qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya deegaan doorashadooduna ay tahay maamulka Hirshabelle waxayna bulshadii ay u tageen uqeebiyeen gargaarkii ay ugu tala galeen.

Dhinaca maamulka Hirsjabelle ayaa wafdigan waxaa soo dhaweyn usameeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali guudlaawe Xuseen iyo qaar ka mid ah Xuldhibaanada Baarlamanka maamulka Hirshabelle.

Trending

Exit mobile version