Wararka Soomaalida
Wafdiga Madaxweyne Ismaaciil oo soo dhaweyn balaaran loogu sameeyey Muqdisho+Sawiro
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah labada Gole ee baarlamanka Soomaaliya sidoo kale qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya. Waxaa intaas dheer oo […]
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah labada Gole ee baarlamanka Soomaaliya sidoo kale qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Waxaa intaas dheer oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweyen Ismaaciil qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya,Fanaaniin,iyo siyaasiyiin.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ujeedka ay iyimaadeen Xamar ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu u furi lahaa safaaradda Jabuuti ee ku taala Muqdisho oo dhawaan dhismaheeda la dhamaystiray.
Wafdiga Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim salaad xasan iyo labo fanaan oo aan ah waxaana ka mid ah afanaaniintaas xasan Aadan samatar iyo Axmed cali Cigaal.