Wararka Soomaalida

Wafdigii Dowladda ee dhowaan loo diiday Puntland oo Garowe Gaaray Daawo Sawirada

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa galabta Diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wafdigan ayaa waxay gaareen Magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Maamulkaas qaar ka mid ah. waxaana la […]

Published

on

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa galabta Diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxay gaareen Magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Maamulkaas qaar ka mid ah.

waxaana la hadal hayaa in ujeedka socdaal kooda salka uu ku hayo guushii ay ka soo hoyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa cusub ee Puntland Doorashadii lagu kala baxay ee Garowe maanta ka dhacay,iyo in hambalyo qoraal iyo Talefon midna aan ahayn oo ah mid toos ah ugu taagan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Cusub.

Wafdigan ayaa waxay iskuuga jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano ka kooban Baarlamanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal isla markaana Deegaan doorasha dooda ay tahay Puntland,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wafdigan ayaa ah Wafdigii Cabdiwali Gaas uu ku xanibay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho maalmo ka hor iyagoo doonayey in goobjog ka ahaadaan Doorashii maanta, Cabdiwali xanibaadiisa ayayey ku salaysneed wafdigan Dowladda dhexe ka socda si aanay utegin Garowe.

Cabdiwali Gaas ayaa Xanibaadda uu ku soo rogay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ku macneeyey in ay doonayaan faragalinta Doorashada Puntland  si uu ugu hortago.

Laakiin qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa sheegaya in Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas markii awoodaas uu u adeegsaday Madaxda Dowladda dhexe iyana dhanka kale ay ciyaareen farsamo ka cajiibsan tan Cabdiwali Gaas.

Waxaana intaas War kooda Ku Dareen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si hoose oo cilmiyeysan ula heshiiyeen shaqsi uusan malaysan karin Dr Cabdiwali Gaas ka dibna lagu riday Cabdiwali Gaas Dr Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani,iyadoo ay xusid mudan tahay Guul daradii layaabka lahayd ee Cabdiwali ka qabsatay Doorashadii maanta.

Cabdiwali Gaas ayaa waxaa uu ku haray Wareega Kowaad wuxuuna helay 8 Cod arrintaas oo loo aanaynayo Khilaafka Dowladda dhexe iyo Gaas ka dhex taagan in sabab ay u,ahayd.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku rajo weynaa in marlabaad loo doorto Madaxweynaha Maamulka Puntland sababta uu xayiraadda uu u saaray Madaxda Dowladda federaalka waxay ahayd in Ololahiisa aan laga faragalanin iyo in uusan soo bixin shaqsi ay wadato Dowladda dhexe ee Soomaaliya inkastoo qadarta alle mid qoran oo marnaba la dhaafi karin ay tahay,haddana Cabdiwali Gaas madareemin Ololihii xoogganaa ee habeenadii la soo dhaafay ay wadeen Cabdiraxmaan Faroole oo mar soo noqday Madaxweynaha Puntland oo waliba Cabdiwali tartanka uu kaga guulaystay haddana ah Xildhibaan Aqalka sare iyo Xildhibaanada kale ee katirsan Dowladda dhexe isla markaana ugu wakiil ahaa Villa Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version