Local News
Walaac ka dhasay maxkamadaha socdaalka Maraykanka oo dedejinaya kiisaska Soomaalida, qaarkoodna si qarsoodi ah loo qabanayo
MINNEAPOLIS – Qareeno si gaar ah uga shaqeeya sharciyadda la xiriira socdaalka ayaa sheegay in maxkamadaha socdaalka dalka Mareykanka, gaar ahaan kuwa gobolka Minnesota ay si aan horey loo arag u dedejinayaan jadwalka dhageysiyada dacwaddaha la xiriira kiisaska socdaalka ee muwaadiniinta Soomaalida, taasoo dhalisay walaac ku saabsan in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo Soomaalida.
Qareen Abdinasir Abdulahi, oo qareen u ah Soomaali badan, ahna qareenka iyo mulkiilaha xafiiska sharciyadda ee AMA Law Group oo ku yaala magaaladda Minneapolis ayaa yiri, “Waxaa muuqata in jirto qorshe lagu dadejinayo dacwadaha magan-gelyadda ee dadka Soomaalida ah”. Qareen Abdinasir ayaa sheegay in laga bilaabo bishii Febraayo uu bilowday olole lagu dadejinayo dacwadaha magan-gelyo doonka ah “asylum” ee Soomaalida.
“Soomaali aad u tiro baddan oo ay ku jiraan macaamiishayda Soomaalida ah ayaa loo balamiyay dhageysiyo cusub oo si degdeg ah loo qorsheeyay” ayuu Tusmo Time u sheegay qareen Abdinasir.
Idaacado baddan oo ku yaala gobolka Minnesota ayaa sheegay dadka Soomaalida ah loo soo hormariyay dhageysiyadooda, loona soo dhejiyay dhagaysiga maxkamadeed hal ama labo bilood gudahood, inkasta oo dalka oo dhan ay jiraan malaayiin kiis oo weli sugaya dhageysi.
Qareenka Abdinasir ayaa Tusmo Times u sheegay, “Waxaa dacwaddaha Soomaalida loo xilsaaray xaakimiin qaabilsan maxkamadha socdaalka oo gobolo kalle jooga in ay dhageystaan dacwadaha. Xaakimiintan ayaa lagu yaqaanaa in ay diidmadoodu aad u sareyso”.
Isaga oo muujinaya arrintan culeyska ay leedahay ayuu qareen Abdinasir wuxuu yiri, “Waa nasiib daro in dad qaxooti ah oo micin iyo magan-galyo halkan u soo raadsaday lagula dhaqmo qaab baal marsan sharciga iyo xuquul insaanka”. Wuxuuna arrintan ku tilmaamay mid jabinaysa dastuurka Mareykanka, maadaama dadkan si gaar ah loo bartilmaameedsado sababta oo ah jinsiyad iyo wadanka ay ka soo jeedaan, waxayna jabinaysaa qodobka ilaalinta sinaanta ee Dastuurka dalka Mareykanka.
Afhayeen ka tirsan hay’adda u xilsaaran maamulka maxkamadaha socdaalka ee DHS ayaa beeniyay in kiisaska qaarkood la dedejinayo, isagoo ku adkeeyay in dhammaan kiisaska lagu qaado si waafaqsan sharciga, islamarkaana waqtiga maxkamadeed ee codsiga magangelyada uu sharcigu u xaddido 180 maalmood.
Haddaba in dadka Soomaalida ah si cad loo beegsado ayaa timid kaddib markii uu Trump Soomaalida ku weeraray hadallo aflagaado ah, islamarkaana uu joojiyay barnaamijka ilaalinta ee Temporary Protected Status ee Soomaaliya, gobolka Minnesota-na uu u soo diray in ka baddan 3,000 oo sarkaal oo ah ciidanka socdaalka ee loo yaqaano ICE.