Local News

War saxaafadeed xambaarsan cambaareyn oo lagu qabtay Minneapolis

War-saxaafadeed ka soo baxay Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IANA) ayaa lagu cambaareeyay qarixii ka dhacay hoteel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, Soomaaliya. Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA) iyo qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Marayknaka ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan Dhaleyceen, duco […]

Published

on

War-saxaafadeed ka soo baxay Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (IANA) ayaa lagu cambaareeyay qarixii ka dhacay hoteel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, Soomaaliya.

Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA) iyo qaar kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Marayknaka ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan Dhaleyceen, duco iyo tacsi iskugu jira oo ku saabsan qaraxii lala beegsaday hotel Cascaseey ee ay ku dhinteen 33-da qof, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Kulankan oo lagu qabtay goobta shirarka ee masaajidka Abubakar ayaa lagu cambaareyay qaraxii 33 qof ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Kismayo, Soomaaliya iyo falalka argagixiso ee lagu laayo maatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay gaysato Al-Shabaab.

 

Sheekh Hassan Jama (Dhooye) oo isagu ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA) ayaa si kulul u cambaareeyay qolyaha argagixisada ah ee iyagu sida arxan darada ah u laayey dadkii ku geeriyooday qaraxa ka lala beegsaday hotel Cascaseey. Sheekh Xassan Jaamac (Dhooye) ayaa u duceeyay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxa. Wuxuuna xusay marxuumad Hodan Naaleeye oo uu sheegay in ay ahayd qof dumar ah oo danteeda ka hormarisay ta dadkeeda iyo dalkeeda.

Sheekh Maxamed Sheekh Mursal oo ah Guddomiyaha Guddiga Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA) ayaa isagu u diray tacsi dhamaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay qaraxa, wuxuuna Alle uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Sheekh Maxamed Sheekh Mursal ayaa akhriyey war-saxaafadeedka sida kulul loogu cambaareeyay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee iyagu sida ula kaca ah u laayey shacabka, dumarka, maatada, ganacsatada iyo dhamaan dadkii iyagu ku dhintay qaraxa hotel Cascaseey.

 

Sheekh Cabdiraxman Xaashi oo ah Imamka masaajidka Abubakar ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay mas’alo ilaahay ay ku dhinteen dadkii lagu dilay qaraxa. Wuxuuna ugu duceeyay in uu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo qoysaskii, ehelkii iyo qaraabadii ay marxuumiintu ka dhinteen. Sheekh Cabdiraxman Xaashi ayaa u sheegay in ay dadka Soomaaliyeed dadkaas arxanlaawayaasha ah ee shicibka iyo maatida laynaya u midoobaan oo ay iska celiyaan, iyaga oo is garab taagan. Sheekh Cabdiraxman ayaa ayaa yiri, “meelkasta oo Soomaaliya kamid ah wixii ka dhaca wey nawada saameeyneysaa, waa in aan u gurmano oo aan garab istaagno walaalaheen iyo meeshii dhibaato ay ka dhacdo”.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii ay dadku ka dhinteen.  Garaad Mukhtaar ayaa ilaahay ka baryey in uu samir iyo iimaan inaga siiyoo dadkii dhintay, kuwa dhaawacmayna in uu Alle caafiyo.  Garaadka ayaa tacsi gaar ah u diray reer Siciid Naaleeye oo ah qoyskii dhalay Hodan Naaleeye. Sidoo kale Garaad Mukhtaar ayaa fariin gaar ah u diray dhallinyarada oo u sheegay in ay wadankeena dib ugu laabtaan si ay wax u taraan deegaanka iyo dadka oo ayna ka cabsan qol yahay dilka, burburka iyo qaraxa ku haya dadka iyo dalkaba.

Maxamed Ismaaciil oo kamid ah aqoon yahaniinta iyo hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota ayaa isaguna u duceeyay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxa iyo intii ku dhaawacantay. Maxamed ayaa sheegay in qolyaha argagixisada ah ay mar walba dad ummada haldoor u ah sida Hodan Naaleeyey oo xaamilo ahayd, Saado Cali oo xildhibaan ahayd iyo in badan oo kale ay dilaan. Wuxuu u sheegay in shicibka Soomaaliyeed ay ka midoobaan sidii ay dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba u difaacan lahaayeen iyaga oo isku duuban. Maxamed ayaa u mahadceliyay Hay’adda Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA).

Siad Cali oo ah siyaasi iyo aqoon yahan kamid ah hogaamiyeyaasha Jaalliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota ayaa isaga oo ku hadlaya magaca qoyska Khadija Xussein iyo Siciid Naaleeye oo ah qoyskii ay ka dhimatay marxuumad Hodan Naaleeye u diray tacsi dhamaan dadkii ku geeriyooday qaraxa. Wuxuu kale oo uu u duceeya inta dhaawaca ah. Guddoomiye Siad Cali ayaa uga mahadceliyay dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dunida sida ay uga damqadeen, sida ay ugu duceeyeen marxuumad Hodan Naaleeye. Sidoo kale, Siad Cali ayaa sheegay in Hodan Allaha u naxariisto ee ay ahayd qof jecel Muslimimada, dadkeeda, horumarka bulshadda iyo faafinta wanaaga dadka iyo dalka.

Siad ayaa waxa uu kor maray mashruucyadii ay Hodan Naaleeye ay ku kaalmeynaysay dadka iyo dalka Soomaaliya ee ay faraha ku haysay oo ay kamid ahaayeen dhisitaanka Maktabad ay dadweynuhu leeyihiin, mashruuc lagu taageerayo 250 arday oo ay masuuliyad ka qaaday iyo mashruucyadda telefishinka ahaa ee baafinta wanaaga dalkeena. Haddaba Siad Cali ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday in loo duceeyo Hodan iyo dhamaan intii ku dhimatay qaraxa.

Magaalada Kismaayo ee uu qaxaxu ka dhacay ayaa waxay ka mid tahay maagaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya waxaana aad ugu yaraa qaraxyada marka loo bar-bardhigo magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version