Wararka Soomaalida

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay Qaraxii Muqdisho+sawiro

Qaraxii maanta abaaro 2:40pm ee ka dhacay wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa gaari wax yaabaha Qarxa lagu soo xiray ka dibna xili dadkii watay gaarigaas ay marayeen agagaarka Premier Bank uu ku qaraxay bartamaha laamiga iyadoo wadada ay ahayd mid aad mashquul badan. Gaarigan qarxay ayaa dadka ku […]

Published

on

Qaraxii maanta abaaro 2:40pm ee ka dhacay wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa gaari wax yaabaha Qarxa lagu soo xiray ka dibna xili dadkii watay gaarigaas ay marayeen agagaarka Premier Bank uu ku qaraxay bartamaha laamiga iyadoo wadada ay ahayd mid aad mashquul badan.

Gaarigan qarxay ayaa dadka ku sugnaa wadadaas kolkii ay wax dhacayeen ayaa waxay ku sheegeen in ay saarnaayeen labo ruux oo kala ahaa wiil iyo Aabihiis.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay wiilkii dhalinyarada,ahaa  sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray Aabihiis oo wiilka dhintay Gaarigan ay wada saarnaayeen.

Waxaa kaloo intaas dheer in dhaawacyo ay soo gaareen Shacabkii Gawaarida saarnaa iyo kuwii wadada marayey.

Shacabkii faraha badnaa ee wadada marayey ayaa mar qura ka war helay dhawaaqa Qaraxa waxaana la,arkay gaari dab ka kacay.

Ciidamada dab demiska ah iyo kuwa Miina baarayaasha ee dowladda Soomaaliya ayaa durbadiiba soo gaaray goobta Qaraxan uu ka dhacay waxayna ku guuleysteen in ay demiyaan dabkaas Gaariga qabsaday.

ilaa hadda macada labadaan ruux ee wiilkan ku dhintay Qaraxa gaarigooda loogu soo xiray iyo Aabihiis oo asna dhaawacaasna uu soo gaaray sababta ka dambeeyaan in Gaariga Miinada dhejiska ah loogu soo xiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version