Wararka Soomaalida
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dadkii laga Afduubay Buurhakaba
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii daayay 14-kii qof ee laga afduubay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyagoo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ka dib markii ay afduubteen ehelada dadkii Xalay lagu Xasuuqay Magaalada Gaalakacyo gaar ahaa dhinaca Maamulka Galmudug. 14-kan qof ayaa waxaa qafaashay dablay ka carooday falkii xalay ka dhacay Gaalkacyo ujeedoodana wuxuu […]
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii daayay 14-kii qof ee laga afduubay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyagoo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ka dib markii ay afduubteen ehelada dadkii Xalay lagu Xasuuqay Magaalada Gaalakacyo gaar ahaa dhinaca Maamulka Galmudug.
14-kan qof ayaa waxaa qafaashay dablay ka carooday falkii xalay ka dhacay Gaalkacyo ujeedoodana wuxuu ahaa inay u,aar gudaan eheladoodii lagu dilay Gaalkacyo laakiin waxaa arintaas ka gaaray oo hor istaagay Maamulka Koonfur Galbeed ka dibna ka soo daayay dablaydii afduubatay.
Maamulka Koonfur Galbeed oo arintaasi ka war helay ayaa durbadiiba Ciidamo Gaar ah usoo diray Goobta lagu hayay dadkaas reer Galmuduga ah waxaana ugu dambeyn Ciidamadaasi ay ku guuleysteen in dadkaas oo badqaba ay ka soo badbaadiyaan dablaydii afduubatay iyadoo la sheegayo in shacabkii koonfur Galbeed ee hubeysnaa ee dadkaani qafaashay ay aad uga xumaadeen arinta uu maamulka Koonfur Galbeed ku dhaqaaqay waxayna Maamulka ku eedeeyeen in uu yahay mid aanan damiir laheyn sida warka ay udhigeen.
Xogtan ayaa waxaa wargayska Tusmotimes la wadaagay qaar ka mid ah shacabka Buurhakaba ee Gobolka Baay.