Wararka Soomaalida

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dilal ka dhacay Muqdisho

Published

on

Degmooyinka Xamar Jajab iyo dharkenleey ee Muqdisho ayaa caawa waxaa siyaabo kala duwan ugu dhacay dilal wixii ka dambeeyay Salaadii Cishaha xiliga Soomaaliya ka dib dabley ku hubaysnaa Bastoolado oo falalkaasi ay fuliyeen.

Degmada Dharkenleey gaar ahaan xaafada Suuqliif ayaa caawa Salaadii Cishaha ka dib waxaa lagu dilay Sarkaal hore Maxamed Muuse oo loo yaqaanay Puntland waxaana dilkiisa ka dambeeyay seddax dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolado sida goobjooge ku sugan Suuqliif uxaqiijiyay Wargayska Tusmotimes.

Dilka Sarkaalkaas hore ee dableyda ugaysatay ayaa goobta ka baxsaday sida caadada u ah kuwa Bastooladaha wax ku dila,lama oga sababta loo dilay Sarkaalkaas hore Maxamed Muuse Puntland lagu naanaysi jiray.

Dhinaca kale degmada Xamar Jajab ayaa caawa abaaro saacada markii maraysay 8:45 PM ee fiidnimo waxaa lagu dilay seddax dhalinyaro ah oo saarnaa Mooto dhug dhuglay ama laba lugaaley waxaana dishay koox dhalinyaro ah oo ku socday Mooto Bajaaj sida dadka xaafadaas degan inoo sheegeen.

Ragga la dilay labo ka mid ah ayaa watay Mooto nooceedu ahaa Fekon waxaana rasaas ku boobay dableyda Bastooladaha ku hubeysan xili ay marayeen ka soo horjeedka Masjidka Bandhabow oo ku yaalla Buundada xigta dhinaca iskuulka Raage Ugaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mid ka mid ah ragga la dilay loo qaaday goobaha caafimaadka isagoo qaba dhaawacyo halis ah oo soo gaaray ka dibna udhintay dhaawicii cuslaa ee soo gaaray ninka 3-aad waxaa lagu sheegay inuu ahaa darawal Bajaajle wadada marayey ka dib markii ay haleeshay rasaastii loo waday labada nin ee la socday mootada.

Labada dhalinyaro ee Mootada Fekonta ah watay ee la dilay ayaa la noo xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya qayb tooda dharcadka sida maamulka degmada Xamar Jajab inuu sheegay dablayda wax dishay waxaa la sheegay dilka ka dib inay ubaxsadeen dhanka degmada Waaberi oo derasla ah Xamar Jajab.

Trending

Exit mobile version