Wararka Soomaalida
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii Muqdisho
Qaraxii aadka uxooganaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah iyo khasaaro kala duwan.
Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow oo ka mid ah Golaha Baarlamanka golaha shacabka ayaa ka badbaaday qaraxii ka dhacay wadada Makah Al mukaramah ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka dhabta ah ee lahelayo.
Labo askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday qaraxaasi oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay sida dadka wadadasi ku sugnaa ay uxaqiijiyeen Wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa ka badbaaday Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ahaa markii lagu daro labada askari ee Xildhibaanka ilaalada u ahaa tirada guud waxay noqonaysaa 4 qof dadka ku dhintay qaraxa.
Warkale oo uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Xildhibaanka uu ka mid ahaa martisharaf lagu casuumay munaasabad lagu dahfurayay Maqaayada Alcaasima ka dibna gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray lagu qarxiyay iridda hore ee maqaayadda.