Wararka Soomaalida

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii Hotel Global ee Gaalkacyo

Published

on

Wararka dheeraadka ah ee ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday Hotelka ku yaala magaalada Gaalkacyo dhankeeda koofureed ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya inay korortay tirada dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa weerarkaas ku dhaawacmay dad gaaraya 13 qof oo u badan ciidamadii ku sugnaa Hotel Global ee magaalada Gaalkacyo ee weerarka lagu qaaday iyo dad shacab ah.

Dhaawacyadaas ayaa hadda waxaa lagu dabiibayaa xarumaha Caafimaad ee ku yaala magaalada Gaalkacyo dhanka koofureed ee Hotel Global uu ku yaalo.

Dhimashada ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gaadhay 11 ruux unabadan shacab iyo Ciidan iyadoo Hotelka la weeraray ee Global ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Militeriga Soomaaliya qeebtooda ka howlgasha gobolka Galgaduud ee kala ah Taliyaha qeebta 21-aad Jannaraal Cabdicasiis Qooje iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Jannaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaashaas ayaa ka badbaaday weerarkaas ka dhacay Hotel Global ee magaalada Gaalkacyo dhinaca koofureed ee maamulka Galmudug waxaana la sheegayaa in gaariga lagu dhuftay Hotelka uu waday qof ismiidaamiye ah.

Saraakiisha ka badbaaday weerarkaas ayaa sheegay in ay bad qabaan oo ilaahay uu ka badbaadiyay musiibadii lala damacsanaa,Hotelka Global-na ay soo degeen habeen hore iyagoo uyimid Gaalkacyo arimo dib uheshiisiin beelo ah.

Trending

Exit mobile version